Sheikh hassan from TFG accused of Corruption

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Sheikh hassan from TFG accused of Corruption

Post by Coeus »

Muwaadin u dhashay wadanka Suudaan oo lagu magacabo Alsaadiq Maxamed Axmed ayaa dawac kusoo oogay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii Cumar C/rashiid ahna iminka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Dacwaddiisa ayaa waxa uu u gudbiyay marka hore Dowladda Soomaaliya isaga oo ku sheeganaya in uu lacag dhan 8-milyan oo Dollarka mareykanka uu ku leeyahay Shariif Xasan Sheekh Aadan kuna yeeshay xilligii uu hayay xilka wasiirka maaliyadda.


Lacagtani ayuu sheegay in ay kutimid kadib markii isaga uu dhex dhexaadiye ka noqday shirkaddii Suudaniga aheyd ee ay Dowladda Soomaaliya kula heshiisay in lacag cusub ay u soo daabacdo iyo dowladda Soomaaliya oo wafdigooda Shariif Xasan uu horkacayay.


Muwaadinkani Suudaaniga ah ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xittaa ugu aaday Magaalada Asmara xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta.


Muwaadinkani Suudaaniga ayaa sheegay in markii Madaxweyne Shariif ay isla garteen lacag cusub in loogu sameeyo wadanka suudaan inkastoo horey ay u jirtay kala doorasho ah wadmada Kenya iyo Indonesia hadana waxa uu xusay ninkani suudaaniga ah in uu ku qanciyay Suudaan in ay ku sameystaan isagana uu garab kusiinayo arrinkaasi.


Madaxweynaha ayaa u wakiishay Shariif Xasan maadaama uu ahaa wasiirkii maaliyadda waxaana lagu heshiiyay in dhaqaalaha lagu sameynayo Lacagta si tartiib tartiib ah loo bixiyo oo qeyb la bixiyo inta aan la sameynin lacagta qeybta kalena markii la sameeyo.


Arrinta wixii ay socoto waxaa Shariif Xasan iyo shirkaddii lacagta sameyneysay ay ku heshiiyeen in lacagta lagu sameynayo xittaa qiimo dhimis fiican loogu sameeyo maadaama dowlad taakdaran ay tahay dowladda Soomaaliyeed waxaana lagu heshiiyay in ay bixiso dowladda Soomaaliyeed 52-milyan oo lacagta Yuuroo-ga loo yaqaano inkastoo qiimo dhimis lagu sameeyay la isla gartay markale in lacagtaasi lagu sameeyo lacag dhan 33-milyan oo dollarka mareykanka ah.


Markii la gaaray xilligii Heshiiska ayaa Shariif Xasan oo ahaa Wasiirkii maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe iyo Muwaadinkani Suudaaniga ah oo wada socda waxa ay aadeen Suudaan si ay u soo saxiixaan lacagtii lagu heshiiyay, waxaana markii la saxiixayay heshiiska la is weydiiyay Lacagtii hormariska aheyd iyadoo shariif Xasan uu sheegay in uusan shilin xittaa u heynin Shikraddani Lacagta cusub sameyneysa taasi oo keentay in lagu kala boodo oo heshiiskii uu socan waayay.


Muwaadinkani Suudaaniga ayaa sheegtay in 8-milyan oo dollar uu ku qarashgareeyay hawshani lacagta cusub sameynteeda uuna ka qabo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadeer ah Guddoomiyaha Baarlamaanka hayeeshee waxa uu ogaaday Muwaadinkani Suudaaniga ah in xittaa lacagtii loogu soo dhiibay shariif Xasan in uu siiyo Shirkadda lacagta cusub u sameyneysa Soomaaliya uu isaga cunay illaa maantana la is weydiinayo Lacagtaasi halka ay ku maqan tahay taasi oo markii ugu dambeysay loosoo dhiibay Shariif Xasan.


Muwaadinkani Suudaaniga ah ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya in lacagtiisa looga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan maadaama hawsha uu ugu qabtay ay aheyd hawl dowladeed.
Walaashiis
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 946
Joined: Wed Dec 01, 2010 4:03 pm

Re: Sheikh hassan from TFG accused of Corruption

Post by Walaashiis »

Some accused you of killing the Somali language, but your reading is great :up:
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Sheikh hassan from TFG accused of Corruption

Post by Coeus »

Walaashiis wrote:Some accused you of killing the Somali language, but your reading is great :up:
Thank you :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”