Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(maqal)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(maqal)

Post by KyrieJama »

Buhoodle,(lasanod Online)- Isimada,Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ayaa maanta shir ay qabteen kaga hadlay go'aankii xaalada baliga Kalshaale iyo xiisadaha colaadeed..

ee dib uga soo cusboonaaday deegaankaas.

Kulan balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Isimo,Cuqaal,Culuma’udiin,Waxgarad,Aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen ergooyinkii nabadeynta ee ka qaybgalay shirkii Maygaagle iyo waxgarad kale oo u dhashay deegaankaas.

Kadib markii shir dhex-dhexaadin ah oo labada beelood ee kala dega deegaanada bariga Burco iyo Buuhoodle uu uga soconayey shir magaalada Maygaagle,kaas oo ku dhamaaday is afgarasho la’aan, kadib markii beesha Buuhoodle ay ku qanci weyday go’aamadii laga soo saaray shirkaas.

Kulankaas kadib ayaa waxaa kasoo baxay saddex qodob oo uu Saxaafada ka hor akhriyey Caaqil Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah cuqaasha deegaanka Buuhoodle,waxaana ka mid ah qodobadaas:

1. In beesha Buuhoodle aaney ku qanacsaneyn xukunkii Maxkamada ee go’aamadii kasoo baxay shirkii Maygaagle, ambiilna ay ka qaadanayaan.
2. In ayan Ururo nabadiid ahi ku nooleyn magaalada Buuhoodle, arrintaasi oo ay inta badan ku andacoodaan maamulada hareeraha ka xiga magaalada Buuhoodle.
3. In beesha Buuhoodle ay diyaar u tahay in la’aaso baliga Kalshaale kadibna la galo wadahadalo nabadeed oo lagu dhameeynayo mashaqadii dhexmartay labada beelood ee bariga Burco iyo Buuhoodle.

Dhanka kale waxaa maalmihii ugu danbeeyey laga dareemayey deegaanka Buuhoodle xiisad colaadeed, kadib markii la isku afragan waayey wadahadaladii nabadda ee ka socoday magaalada Maygaagle.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(ma

Post by The_Emperior5 »

indeed reer buhoodle iyaguna go aaan bay so saareen thats good, hada wa in meel dhexe la iskugu imaado , oo dib la iskugu imaado , si nabdu u sii hirgasho., rer walba wuxu tabanayo sheegaan
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(ma

Post by KyrieJama »

Inshallah this conflict will end peace, but at this point both sides aint budging.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(ma

Post by The_Emperior5 »

Yeah both group wa inay tanasulan sii nabad buuxda ah lo helo
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Reer Buhoodle Oo Baaq Kasoo Saaray Go'aankii Kalshale(ma

Post by KyrieJama »

The_Emperior5 wrote:Yeah both group wa inay tanasulan sii nabad buuxda ah lo helo
Wallahi I honestly don't think kalshale is negotiable we built the first well there 1955, and HJ had dhaqsiin right thats all iyaga ha tanasulan :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”