Puntland And Somaliland Peace Conference Begins

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Puntland And Somaliland Peace Conference Begins

Post by Coeus »

Shir lagu dhexdhexaadinayay Puntland iyo Somaliland oo lagu soo gabgbeeyay dalka Jabuuti
Posted to the Web Dec 15, 06:56


Jabuuti (PP) − Shir lagu dhexdhexaadinayay maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo gabgabeeyay maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, iyadoo qodobkan ugu muhiisan ee kasoo baxay uu yahay in kulammada lasii wado, xalna laga gaaro waxyaabaha xanafta abuuray.

Maamullada Puntland iyo Somaliland oo ah goobaha keliya ee ay Nabadda ka jirto Soomaaliya oo dhan, ayaa waxaa xiriirkooda soo dhexgalay mugdi, tan iyo markii uu bilowday dagaalkii labada maamul ku dhexmaray gobolka Sool.

Kulankan, lasoo afmeeray maanta oo ay ka qaybgaleen aqoonyahanno ka kala socday Somaliland oo sheegatay inay ka go'day Somalia inteeda kale iyo Puntland oo weli ka mid ah Somalia, ayaa waxay ku heshiiyeen in kulammadan lagu soo daro siyaasiyiin lana sii wado inta xal laga gaarayo.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo xubno uu ka mid yahay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ayaa kor jooge ka ahaa shirkan, iyadoo lagu soo beegay gabagabdiisa xilli garoonka diyaaradaha ee Hargeysa lagu haysto diyaarad la sheegay inay qalab ciidan u waday Puntland.

Dowladda Puntland, ayaan ka hadlin arrintaas, waxaana war ay soo saareen markii wararkan ay soo baxeen ku sheegtay inaysan jirin diyaarad hub ciidan u wadday oo ay dalbadeen, isla markaana aysan waxba kala socon arrintaas.

Xubno ka tirsan maamulka Somaliland, ayaa todobaadkan ku eedeeyay Puntland inay doonayso in ciidammada loo tababarayo ay qalqal ku geliso ammaankooda, balse Puntland ayaa hadalkaas jawaab ka bixisay kuna tilmaantay mid aan jirin.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”