
Maalintii Shalay waxaa magaallada Muqdisho laga xusay 67 guuradii ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana munaasabaddaasi ka qeyb galay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil Ciidan iyo madax kale.
Munaasabadda waxaa suugaan ku soo badnhigay kooxda Fanaaniinta Heegan ee ciidanka Booliska, ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska ay halkaasi salaan ku siiyeen Madaxda Dowladda.






















