Kulan Looga Hadlaayay Baahinta Dasturka Puntland G.Galdogob

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan Looga Hadlaayay Baahinta Dasturka Puntland G.Galdogob

Post by FBISOMALIA »

Image
Wefdi kasocda Dawladda Puntland,Hay’ada KAALO iyo Jaamacada PSU ayaa gaarey degmada Galdogob ee gobolka Mudug si ay halkaas u gaarsiiyaan dastuurka Puntland.

Gudoomiyaha degmada Galdogob C/risaaq Maxamed Xirsi oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in wefdigaan ay dhowaanahaan degaanada Puntland kawadeen baahinta dastuurka isla markaana qaybaha bulshada degmadaasi ay u qabteen aqoon iswaydaarsi salka ku haya barashada dastuurka Puntland.

Wuxuu sheegay in dadweynaha kunool degmadaas loo qaybiyey inta uu soconaayay aqoon iswaydaarsigaasi nuqulo kamid ah dastuurka isla markaana ay wax weyn ka barteen dastuurka u yaal dalkooda.

Gaba gabada aqoon iswaydaarsiga ayaa waxaa kasoo baxay qodobo ay kamid yihin;

* In ay wax badan ka fahmeen dastuurka qaybaha bulshada kunool Galdogob
* In ay diyaar u yihiin in ay u codeeyaan dastuurka hadii afti dadweyne loo qaado

Wefdigaan ayaa aqoon iswaydaarsigaan mid lamid ah kasoo bixiyey degmooyinka kala ah;

* Dangarooyo
* EYL
* Godob jiiraan
* Burtinle

Waxaana la filayaa in socdaalkooda ay ku soo afmeeraan degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo qayb ka ah sideeda degmo ee ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Nugaal ee dowladu u xilsaartay wafdigaasi baahinta dastuurka.

Wasaarada Dastuurka iyo arimaha Federaalka Puntland ayaa sheegtay in dastuurka la gaarsiin karo goobaha fog fog ee uusan gaari karin.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”