
Shir ay soo qaban qaabiyeen Golaha qurbajoogta Jubooyinka ayaa dhawaan lagu qabatay Xeryaha qoxootiga ee dhadhaab maalintii sabtidii na soo dhaaftay.
Shirkaas oo ay ka qaygaleen ergooyin tiradoodu dhan tahay 200 oo qof oo ka kala socoday sedexda xero ee Iffo,Dhagaxley iyo Xagardheer, waxay u jeedadiisu ahayed sidii loo taageeri lahaa barnaamijka iyo qorsha lagu dhisayo Maamul Gobaleedka Jubbaland.
Marwo xaliimo Faarax Godane oo ka mid ah Qurbo joogta Reer Jubbaland oo shirkaas hadal ka jeedisay ayaa ka warantay Muhiimada iyo Taageerada Qurbo joogtu siinayaa hawlaha lagu dhisayo jubbaland . Waxayna tidhi “ Waxaan dooneynaan in aan aragno jubbaland oo ah maamul Gobaleed iskii isu taaga’
Nabadoon Axmed Khaliif Cabdisalam oo kamid ah Cuqaasha sida aadka aha looga yaqaano Gobalada Jubbaland oo isna ka hadlay shirkaas ayaa si qoto dheer ooga waramay taariikhada Gobalada Jubbaland iyo xidhiidhka ka dhexeeyey dadka soomaaliyeed eek u nool deegaanadaas jubbaland .
Nabadoonku waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanahay in dadka ku nool xeryahay qoxootigu ay ku laabtaan deegaanadii isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo barwaaqo ka dhacada gobaladaas.
Axmed Maxamed Macalin oo ka mid ah wax garadka Jubbaland ayaa sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan barnaamijka lagu dhisayo jubbaland waxuuna yidhi “ Waxaan ahayn dad quustay laakiin hada rajo wanaasgan ayaan na soo gashay’.
Wuxuu intaas ku darey in wax garadka iyo dadka ku nool xeryaha qoxootiga ay soo dhawaynayaan in Gobaladoodii dib oogu laabtaan si ay ooga qayb qaataan Xaqiijinta amaanka iyo dib u dhiska gobalda jubbaland
Gabgabadii shirka Waxaa ay ka qaybgalasshu ka soo jeediyeen talooyin ay kamid yihiin: In la taageero Baraamijka ay wadaan Madaxda Sare ee u xil saaran Dhamaystirka Hawlaha lagu dhisayo Jubbaland, in la xoojiyo midnimada ka dhaxaysa dadka jubbaland iyo in dadka loo abaabulo sidii ay ugu noqon lahaayeen gobaladoodii.


