Page 1 of 1

Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 11:54 am
by Talo alle udaa
:mrgreen: Ciidanka Doolow oo hubkii laga qaatay,yaa sameeyey falkaas?,maxay tahay sababtu?

Posted by Gedo
Friday, December 31 @ 03:20:18 EST



Ciidamada isku dhafka ah ee saldhigga ku leh degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa soo food saartay xaalad tii ugu xumeyd tan iyo markii ay halkaas fariisinka ka sameysteen laba sano ka hor.




Saraakiiil ka tirsan ciidamada dowladda Ethiopia ayaa si buuxda amar ugu siiyey ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu-Sunna Wal-Jameeca in hubka ay heystaan ay ku soo wareejiyaan muddo saacado ah, iyagoo qaar kamid ah ciidanka markiiba si xoog ah hubka ugala wareegay, uguna goodiyey in ay mid-mid u toogan doonaan.


Ilo wareed laga kala helay saraakiisha ciidamadan ayaa ku waramayo in saddex sargaal oo darajo sare ciidamada Ethiopia ka heysta ay la kulmeen mas'uuliyiinta DKMG iyo Ahlu-Sunna una sheegeen in hubka ay dhigaan, iyagoo sacbooley ahna Doolow ku sii sugnaadaan.


''Waxaa nala kulmay nimankaan waxay noo sheegeen in aan hubka ka dhigno ciidankeeda, annaguna waan diidnay oo shirkeenii natiijo la'aan buu ku dhamaaday'', sidaas waxaa yiri mas'uul ka tirsan Ahlu-Sunna oo Doolow jooga, diidayna in magaciisa la daabaco, wuu sii hadlay oo haddana wuxuu yiri, ''ka yeeli meyno in aan hubka dhigno, wixii tallaabo ah ee nala gudboon oo kale ayaan qaadaneynaa''.


Arrintan waxaa loo sababeynayaa kadib markii ay Kenya kulan ku wada-qaateen rag ka socday Ahlu-Sunna iyo xubno beesha Caalamka ka tirsan, shirkaas oo Ahlu-Sunna lagu siiyey hub gacanteeda galay sida sargaalkan uu sheegay.


Dowladda Ethiopia ayaa ka carootay tallaabada hubka lagu bixiyey iyadoo aan ka warqabin, waana sidaas sababta ay hub ka dhigista u fartay dowladda iyo Ahlu-Sunna.



Nin kale oo qolyaha DKMG ee Doolow kamid ah wuxuu sheegay in 300 oo askari oo ciidankooda ka tirsan qoryihii ay heysteen laga qaatay.


Labadan dhinac waxay ku doodayaan in waxa u haray aysan dhiibi doonin, dagaalna ay ammuurta ka xigaan.


Sida cad khilaaf xoog badan ayaa soo kala dhexgalay ciidamadan iyo Ethiopian oo muddaba tababarayey, kuna qalqaalinayey in ay Gedo iyo gobolada koonfureed qabsadaan.


Dowladda Ethiopia oo maamul keligii talis ah uu xukuma ayaa hab dhaqan fool xumo kula kacda cid kasta oo iyada saaxiib la'ah.

Cabdi Ruush
Gedoweb, Garbahaarey

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 11:55 am
by Talo alle udaa

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:01 pm
by grandpakhalif
Ahlu sunna hubka maba dhigayan way isdifaacayan haday Itoopia ku wareeran inshallah :up:

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:06 pm
by Addoow
grandpakhalif wrote:Ahlu sunna hubka maba dhigayan way isdifaacayan haday Itoopia ku wareeran inshallah :up:
dude,Ahlusunna is an Ethiopian puppet group who take orders from their pimp Melez zanawi.f-king kufaar raac.

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:16 pm
by grandpakhalif
Addoow wrote:
grandpakhalif wrote:Ahlu sunna hubka maba dhigayan way isdifaacayan haday Itoopia ku wareeran inshallah :up:
dude,Ahlusunna is an Ethiopian puppet group who take orders from their pimp Melez zanawi.f-king kufaar raac.
If you read the end of the gedonet report, Ahlu Sunnah has found some new weapons and conenctions in Kenya and have abandoned Itoopia thats why we refuse to lay down our weapons, inshallah jihad against Itoopians will make our movement more popular. Allahuakbar :up:

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:18 pm
by Advo
Addoow wrote:
grandpakhalif wrote:Ahlu sunna hubka maba dhigayan way isdifaacayan haday Itoopia ku wareeran inshallah :up:
dude,Ahlusunna is an Ethiopian puppet group who take orders from their pimp Melez zanawi.f-king kufaar raac.
:lol: ahsunnah are now kuffar hopping, from habash to bantu now.

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:21 pm
by waryaa
So t2010 ends as the year of alshababs. They consolidated power in all southern somalia except small pockets in mogadishu. Then they got sheik awes and his weapost, And now, this!

Re: Clash of a Titan and his maids

Posted: Fri Dec 31, 2010 12:28 pm
by Talo alle udaa
Ahlusunna wey dalaceen.

Instead of dealing with the Ethiopian middle men, they can directly reach into the pockets of rich Europeans who fear the rise of al shabaab in the horn. I don't think the Ethiopians ever wanted them to move beyond Doolow.

There are two powers at play, that is Ethiopia and Kenya. Both currently train somali militia who at one point or another were the former rulers of some of the regions in south somalia. Kenya has been using somali militia mostly from the Absame and Harti clans that live in the two Jubbas, while Ethiopia has been using D&M and Mareehaan in Doolow. The Ethiopians mistrust the militia being trained in the border regions between Somalia and Kenya because they see them as a front for the ONLF.

I'ts also worth wondering whether Kenya wants its somali trained militia to move forward either, since its likely any captured territory could not be maintained without heavy air support, and machinery from Kenya.