Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland ayaa maanta Baarlamaanka Puntland qorsheysay Miisaaniyada sanadka maanta bilawday ee 2011-ka.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Faarax Cali Shire iyo kuxigeenadiisa ayaa saaka hortegay Baarlamaanka,iyadoo Wasiirka uu ka hor akhriyey miisaaniyada sanadka 2011-ka oo dhan 74-bilyan oo shilin Soomaali ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qaybiyey qoraalo ku saabsan Miisaaniyada,iyadoo lasiiyey mudo saddex maalmood in ay ka doodaan miisaaniyada intaas kadibna codka kalsoonida u qaadi doonaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo saxaafada la hadlaayay kulanka kadib ayaa sheegay in dhowaan uu rajeynaayo in la ansixiyo miisaaniyada 2011-ka oo dib u dhac ku yimid iyadoo la rajeynaayay dhamaadkii sanadkii tegay ee 2010-ka la horkeeno Baarlamaanka.
Kulanka maanta ayaa waxaa kasoo qaybgalay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo iyagu dhegaystay warbixinta ku saabsan miisaaniyada oo uu akhriyey Wasiirka Maaliyada.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland