Shahaadooyinkii ardaydii Ka Qalin-jebisay Boodhinta Xaaxi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Shahaadooyinkii ardaydii Ka Qalin-jebisay Boodhinta Xaaxi

Post by Siciid85 »

Hargeysa: Dufcaddii Ugu Horaysay Ee Loo Tababaro Macallinnimo Ee Ka Qalin-jebisay Boodhinta Xaaxi Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyey + SAWIRO


Hargeysa (OWN)- Dufcaddii ugu horaysay ee loo tababaro macallinnimo ee ka qalin-jebisay Iskuulka boodhinka ah ee Xaaxi oo ka kooban 26, ayaa xalay shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hotel KAAH ee magaaada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey bixinta shahaadooyinkaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka samafalka ah ee SUNBUL oo gacanta ku haya iskuulka boodhinka ah ee Xaaxi oo ka tirsan deegaanka gobolka Oodweyne, ayaa waxa ka soo qayb-galay, guddoomiyaha Golahaha wakiillada Somaliland, Xildhibaano, Agaasimeyaal xukuumada ka tirsan, culimo aw diin, ganacsato, aqoonyahan, qurbe-joog iyo martisharaf kale oo tira badan.


Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo xafladaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey ururka SUNBUL, oo uu ku ammaamay dadaalkii wax-ku-oolka ahaa ee ay u galeen hirgelinta iskuulka boodhinka ah ee Xaaxi, isaga oo sheegay inay tahay wax aad loo farxo dufcadda koobaad ee ka soo qalin-jebisay.


Waxa kale oo uu guddoomiyuhu u soo jeediyey xukuumadda Somliland inay ka qayb-qaadato wax-qabadka iyo horumarinta iskuulka, oo uu xusay in ururka SUNBUL halgan culus u galay taabbogelinta iskuulka.

Sheekh Yuusuf Aadan oo ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland kana soo jeeda deegaanka Oodweyne oo ka mid ah asaasayaashii iyo rukumada ururka SUNBUL, ayaa aad uga faalooday sababtii ku kalliftay inay isnkuulkaa boodhinka ah sameeyaan, isaga oo xusay inuu ka dhashay daraasad iyo kormeer ay ku soo sameeyeen deegaano badan oo ay degaan beeshaasi, taas oo uu sheegay inay ilaa Sanaag tegeen, isla markaana ay meelahaas ku soo arkeen dad jahligu si xun u aafeeyey, oo caruurtii iyo dhalinyatii degenayd uu kala qaybsadeen qaad iyo daraoogin kale oo halis ah.


Sheekhu waxa uu tilmaamay in ururka SUNBUL oo la asaasay 2005-tii ay hormuud u yihiim cumilimo ka soo jeedda deeganadaas ku taxan inta u dhexaysa Hargeysa, Oodweyne, Burco ilaa Sanaag, isla markaana ujeeda ugu weyn ee loo sameeyey ay tahay sidii bulshada aqoon-darrada looga saari lahaa, isla mar ahaantaana la isaga kaashan lahaa in la dhiso aqoonta diiniga ah iyo ta maadiga ah ee caruurta deegaanadaas. Isaga oo tilmaamay in guud ahaan ururka SUNBUL ay hoos yimaadaan oo ay maamulaan 980 Arday meelo kala duwan ku filiqsan.



Waxa kale oo uu Sheekh Yuusuf tibaaxay in 26-ka arday ee qalinjebiyey ay qaateen aqoon-diined iyo mid maadiya oo dhammaysitan, isla markaana loo tababaray inay noqdaan macalimiin iyo ducaa-diineed, isaga oo tibaaxay inayla baray dhammaan axkaamta diineed ku saabsan dhaxalka, xaqidda, guurka iyo khadiibnimada masaajidada, isla markaana waxa uu sheegay inay ku talo-jiraan 60 Arday oo kale inay qaadanayaa, balse aanay dhaqaale u hayn, isaga ka codsaday ganacsatada iyo qurbejoogta beesha inay ka qaybtaataan kharashka loo baahan yahay in ardaydaas lagu baro.


Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen [Khadar Ambassador] oo isna xafladaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu wax badan kala socday hawlaha iskuulka barbilow ilaa dhammaad, isla markaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga qayb-qaaday inuu hirgalo.
Xildhibaan Khadar waxa uu si weyn ugu booriyey dhammaan cid kasta oo danaynaysa horumarka waxbarashada ee deegaanaddaas inay ka qayb-qaataan dadaalada lagu hawlahan yahay, isaga oo halkaa kaga dhawaaqay inuu $10,000 ugu deeqayo iskuulka boodhinka ah ee Xaaxi.


Gudoomiyaha ururka SUNBUL Cabdiraxmaan Cismaan Aadan [Sagal] oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday caqabadii iyo maraaxilkii kala duwananaa ee ka hor yimi intii ay ku guda-jireen hirgelinta iskuulka. Waxaana uu carabbaabay inuu aad ugu mahadcelinayo gacansata iyo qurbejoogta beesha oo si weyn uga qayb-qaatay dhismihii iyo taabbo-gelin iskuulka.



Gudoomiyuhu waxa uu halkaas ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaalada guud ee iskuulka iyo waxqabadka ururka SUNBUL, isaga oo xusay inay iskuulka dhigtaan 136 Araday oo xaraysan iyo 30 kale rawaxa oo ah ardayda deegaanka iskuulku ku yaalo.


Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada warabarashada ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo isna halkaa ka ahdlay, ayaa sheegay inay xukuumada ahaan ballan qaadayaan wixii gacan ah ee ay ka gaysan karaan hawlaha iskuulka inay ku dhaqaaqi doonaa, isla markaana waxa uu ururka SUNUL ka socday inay u soo gudbiyaan qorshahooda shaqo ee wada-shaqayneed.


Waxa isaguna madashaas hadal dheer ka jeediyey maamulaha iskuulka boodhinka ah ee Xaaxi Maxamuud Daahir Carraale, oo aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka badan oo ka horyimi ay intii ku guda-jireen geedi-socodka warbrasho ee iskuulka, isaga oo sheegay in waxbarasada iskuulku ay meel fiican marayso, isla markaana waxa uu tilmaamay in ururka SUNBUL mudan yahay ammaan iyo mahadnaq.


Waxa uu maamuluhu sheegay iskuulka la furay 26-jii Jullay 2008-dii, isla markaana ay xoogga saaran sidii ay ardayda meelaha aadka u kala fog laga kale keenay uga dhisi lahaayeen aqoonta diinta iyo ta maadigaba.


Waxa iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin iyo ganacsato ay ka mid ahaayeen Bashiir Cabdi Xariin iyo Kayse Shukri Xulul, iyaga aad ugu dheeraaday muhiimada wax-ku-oolka ah ee iskuulkani u leeyahay deegaanka, iyaga oo ballan-qaaday inay door weyn ka qaadan doonaan dhammaana hawlaha kala duwan ee la xidhiidha iskuulka.


Image

Cabdisalaan Ismaaciil Cilmi oo ka mid ah qurbejoogta Jaaliyada gobolka Oodweyne ee ku nool Maraykanka (USA).
Image

Image

Image


Xildhibaan Khadar Ambassador.
Image


Image



Image
Last edited by Siciid85 on Thu Jan 06, 2011 11:45 am, edited 2 times in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Shahaadooyikii ardaydii Ka Qalin-jebisay Boodhinta Xaaxi

Post by Siciid85 »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”