Al-Shabab burning food aid from drought area
Posted: Thu Jan 06, 2011 10:45 am
Maleyshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa odayaasha iyo wax garadka degmada Xarardheere ku amray in muddo 4 maalingudahood ah degmada looga saaro raashinka gargaarka ah ee ay Hay’adda WFP ugu deeqday dadka abaaruhu heystaan.
Kulan ay shalay Xarardheere ku yeesheen odayaasha iyo Dagaal Oogayaal ka socday Shabaab ayay ugu hanjabeen odayaasha in maleeshiyaadoodu ay afar maalin kaddib ay si qasab ah ula wareegi doonaan raashinka ku jira bakhaarada degmada haddii aysan odayaashu dab qabadsiin ka hor.
Odayaasha ayaa su’aalo badan ka keenay waxa Shabaabku ay ugu talo galeen dadka abaaruhu saameeyeen eek u sugan gobolka haddii ay doonayaan in la gubo raashinkii gargaarka ahaa ee loogu deeqay.
Tallaabadan waxay saameyneysaa ganacsatada degmada Xarardheere oo ayagana lagu amray in ay gubaan raashinka WFP ay keentay oo ay ka iibsadeen dad loogu deeqay, waxayna arrintaasi xaalad kacsanaan ah ku abuurtay dadka deegaanka.
Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa maleeshiyaadka Shabaab ugu baaqay in ay cunaqabateynta ka qaadaan dadka abaaruhu saameeyeen ee gargaarka u baahan.
Maxamed Xasan Xaad ayaa warbaahinta Shabaab u marsiiyay dhambaal ku saabsan in aysan siyaasad gelin gargaarka loo wado dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen, wuxuuna yiri “Hambadii ka soo hartay Xabadda in loo diido gargaarka, waxay noqoneysaa in dadka nolosha loo diiddan yahay taasna ma aha wa la qaadan karo”.
Maleeshiyada Shabaab ayaa Hay’adihii gargaarka ka ceyriyay deegaanada ay ku sugan yihiin ee dalka, sidoo kale waxay diideen in ay dadku cunaan raashinka mucaawinada ah ee ay iibsadaan ama ay ka helaan goobaha ay maamulladu ka jiraan, waxayna gubeen raashin badan halka ay si qasab ah ula wareegeen bakhaaro badan oo ganacsato iyo Hay’ado lahaayeen.