Farmaajo oo la xiriirey Ari cadeys

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Farmaajo oo la xiriirey Ari cadeys

Post by ibrahimcw »

Caabudwaaq:(R.CW)Reysal wasaaraha Dowlada KMG ee Somaliya Mudane Maxamed C/laahi
Maxamed (farmaajo) oo maanta xiriir lasoo sameeyey beelaha ku
dagaalamey Duleedka Ari-cadeys ayaa waxaa uu shegay inuu aad uga
damqadey dagaalka dhex marey dadka xoola dhaqatada ah waqtigan oo lagu
jiro marxalad adag oo ka dhalatey roob la’aanta Sanadihii ugu dambeeyey.

Mudane farmaajo oo ay wehliyeen xildhibaano ka soo kala jeeda labada
beelood ayaa ka dalbadey waxgaradka labada dhinac inay aqbalaan
codsiga uu ku dalbanayey Xabad joojin laga sameeyo maleeshiyaadka
dagaalamey ee deegaankaasi.

Wax garadka labada dhinac ayaa aqbaley codsiga Reysal Wasaaraha
Somaliya ee ku aadan dhinaca Nabada, waxaana ku wehliyey dalabka xabad
joojinta Reysal Wasaaraha Soomaaliya xildhibaano iyo aqoon yahano ka
soo kaljeeda Beelaha Xeraale iyo Ari-cadeys waxaana kamid ahaa.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamed Abiikar
Genaral C/qaadir Sh. Cali Diini
Xildhiban Maxamed Sh. Yuusuf
Xildhiban C/xafiid Sacdi Jaamac

Ugu Dambeyn reysal wasaare farmaajo ayaa sheegay inuu soo diri doono
guddi nabadeed maalmaha ina soo haya, kuwaasi oo lagu wado inay qayb ka
qaataan soo afjarida khilaafka keenay gacan ka hadalka.

Warqabadka Radio Caabudwaaq Codka Galguduud.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”