Wilyaada Islaamiga ee howlgal ka sameenaya Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Wilyaada Islaamiga ee howlgal ka sameenaya Gedo

Post by grandpakhalif »

Howlo biyo dhaamin ah ayaa ka bilawday deegaano badan oo ka tirsan gobalka Gedo oo bilihii ugu dambeeyey ay ka taagnaayeen biyo la’aan aad u daran iyo abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, taasoo loo aaneynayo roobabkii xilliga deyrta oo ku yaraa deegaanka.

Meelaha ugu daran ee laga bilaabay howlaha biyo dhaaminta ayaa waxaa ka mid ah tuulooyin ay ka midka yihiin Faafaxdhuun, Juungal, Geriley, Towfiiq, takar, faanweyn, Ceelcilaan, Shonqolow, ilbeeto iyo dhulka miyiga ah ee hoostaga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, halkaasi oo todaabyadii ugu dambeeyey ay isa soo tareysay qeylo dhaan ku aadan abaaro iyo Biyo la,aanta oo gaartey heerkii ugu adkaa, waxaana deegaanadaasi oo ay ku dhiban yihiin Boqolaal qoys oo u badan xoola dhaqato ayaa la geeyey ku dhowaad ilaa 18 booyado oo biyo ah oo loogu talagalay in la siiyo dadka deegaanadaasi biyo la’aanta ay ku hayso.
Image

Cali Saalax Xasan oo ka mid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in biyo dhaamintan ay tahay qeybtii koowaad ee laga wado degmooyinka Gobolka Gedo oo ay abaaruhu ku dhufteen, isagoo sheegay in howshaasi gurmadka Biyo dhaaminta ah in Gobolka ayka wadaan Shirkada Hormuud,Waxaana uu sheegay inuu rajeynayo in maalmaha soo socda dhul badan ay dabooli karaan baahiyahooda xagga biyaha.

Deegaanada haatan la gaarsiiyey gurmadka biyo dhaaminta ayaa waxaa ay yihiin meelaha ay abaartu sida aadka ah u saameysay, waxaana deegaanadan qaarkood dad iyo duunyaba ugu geeriyoodeen biyo la’aan todobaayadii lasoo dhaafay, inkastoo la bilaabay dhanka biyo dhaaminta waxaa sidoo kale aad looga cabanayaa daaqa xoolaha oo aanu jirin, iyadoo dadkuna aysan heysan waxay quutaan.

Image

Ma ahan markii ugu horeysay ee Shirkada Hormuud gurmad Howlo biyo dhaamin ayka bilowdo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo talaabadani ay noqoneyso tii ugu horeysay oo ay qaadaan Shirkadaha Ganacsiga ee ka howlgala Gobolka.
_______________________________

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Wilyaada Islaamiga ee howlgal ka sameenaya Gedo

Post by The_Patriot »

So Huraale hubkadigis ba lagusameye :lol: :lol: :lol:
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Wilyaada Islaamiga ee howlgal ka sameenaya Gedo

Post by XimanJaale »

Wallahi Al-KHAWARIJ news website are liars! This was done by Hormuud Company not by AL-Khaawarij!!

Give the credit to those that really done it.

Mashallah Hormuud TLC is the best Somali company that cares about their citizens.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”