Somaliland Budget Goes UP 25% (Finance Minister annouces
Posted: Thu Jan 13, 2011 4:28 pm
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku guulaysatay inay kordhiso dakhliga Cashuuraha kastamada wadanka %24.3 marka loo eego jaantuska hoos ku qoran ee ay ku xusan tahay isbarbar-dhiga Bishii December 2009 oo ay talada wadanka haysay Xukuumada Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo December 2010 oo ay Xukuumada Axmed Siilaanyo haysay talada wadanka Muddo Shan Bilood ah.
Sida ka muuqata jaantuskan oo dabal-gal badan ka dib ay shabakadda Somalilandpress u suurto-gashay inay hesho, waxa jira kastamo badan oo uu kor u kac dakhli ku yimi, wallow kastamada qaarkood uu hoos u dhac kooban ku yimi dakhliga.
Wasiirka Maaliyada Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sameeyay isku-bedel badan oo hawl-wadeenada iyo madaxda kastamada la xidhiidha, si loo dardar-geliyo hawlaha dakhli-ururinta.
Agaasimaha maamulka Kastamada ee Wasaaradda Maaliyada ayaa sidoo kale loo magacaabay wiil dhalinyaro ah oo muddo ka soo shaqaynayay Wasaaradda, khibrad dheerna u leh hawlaha shaqo Cali-dhagoole.
Korodhkan Dakhligan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay xukuumadu maalmo ka hor ku dhawaaqday inay %75 mushaharada u kordhinayso dhamaan shaqaalaha dawlada marka ay dhamaato bisha January ee aynu ku jirno, si ay qayb ahaan u fuliso balanqaadkeedii ahaa inay %300 u kordhin doonto mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada.
Inkasta oo uu korodh badani ka muuqdo dakhliga dawlada mudadii koobnayd ee ay xukunka haysay, hadana korodhkan ayaan ahayn mid saamayntiisu taabatay bulshada caadiga ah. Waxaana suuqyada magaalooyinka waawayn ee wadanka laga dareemayaa busaarad baahsan, xilli ay abaaro ba’ana ka jiraan dhulalka miyiga ah.
No Kastamka Dakhliga Devember 2009 Dakhliga December 2010 Farqiga Korodhka: Boqolley/Percentage
1. Berbera 17,703,626,893 22,840,150,133 5,136,523,240 29.0
2. Kala-baydh 3,254,191,329 5,436,521,463 2,182,330,134 67.1
3. Hargeysa 1,872,203,597 401,139,008 1,471,064,589 -78.6
4. Saylac 795,148,051 913,156,635 118,008,584 14.8
5. Boorame 199,504,647 236,804,613 37,299,966 18.7
6. Burco 165,624,247 182,811,899 17,187,652 10.4
7. Caynaba 78,583,272 63,374,532 -15,208,740 -19.4
8. C/Caddo 134,587,388 67,796,163 -66,791,225 -49.6
9. Ceerigaabo 44,470,546 55,258,160 10,787,614 24.3
10. Laascaanood 73,775,514 93,965,754 20,190,240 27.4
11. Abaarso 24,196,344 28,826,782 4,630,438 19.1
12. Xariirad 11,701,594 16,090,587 4,388,993 37.5
13. Lughaya 34,250,400 700,000 -33550,,400 -98.0
14. Faraweyne 64,303,230 37,232,500 -27,070,730 -42.1
15. Balligubadle 1,465,151 21,512,722 20,047,571 1368.3
Total 24,457,632,203 30,395,340,951 5,937,708,748 24.3