Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo sifaray, saaray,

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo sifaray, saaray,

Post by Bohol iyo karaman »

Wasaaradda Waxbarashada oo uu Hadheeyey Muran-Maamul iyo Masuuliyiinteeda Sarre oo Is farra saaray

Written by Qaran news
Jan 17, 2011 at 10:09 AM
Hargeysa,(Qaran news)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cali Maxamed Cali ayaa khilaaf wayn oo gaadhay in ay is fara-saaraan uu ku dhex-maray shalay iyo doraad ka dib markii ay isku qabteen qorshe ay soo saartay Hay'adda Shaqaalaha Dowladdu oo ay 1500 Macalin ugu dartay Miisanaaniyadda 2011ka.

Labada Mas'uul ayaa la sheegay in ay gacanta iskula tageen iyadoo midba midka kale u awood sheeganayo isla markaana uu marankoodu ka dhashay qaabka loo qaybiyay 1500 ee Macalin oo laga tagay saddex Gobol oo ka mid ah Gobolada Dalka, sidoo kalana ay ka muuqato Gobolada loo qaybiyay sad-buursiimo dhinaca tirooyinka Macalimiinta ah, taasoo uu saluug ka muujiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddu isagoo go'aansaday inuu dib ugu celiyo Hay'adda Shaqaalaha si labadaasi arrimood wax looga qabto, hase yeeshee Agaasimaha Guud ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka hor yimid.

Khilaafkan labada Masuul ayaa ka dhashay qoraal ay Hay'adda Shaqaalaha Dowladdu ku dartay 1500 oo Macalin Miisaaniyadda 2011, qoraalkaasi oo ay ku kala socdsiisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kaaasoo aanay ku jirin saddexda Gobol ee Hawd, Oodweyne iyo Buuhoodle waxaanu qoraalkaasi u shaxaysnaa sidan "Tixraac warqadda summadeedu tahay MOE/DG/04/503/2022 ee 02/01/11 kuna saabsan ku daridda miisaaniyadda 2011.

Hay'adda shaqaalaha Dawladdau (Civil Service Commission) waxa ay u ogalaatay in loogu darro (1500) Kun iyo shan boqol oo jago Miisaaniyadda sannadka 2011, Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta Sare D/H/Dhexe ee Goboladda dalka"

S/no Goboladda Tirrada Darajada Xilka
1. Gabilay 91 B Barre
2. Saraar 72 B Barre
3. Awdal 119 B Barre
4. Salal 20 B Barre
5. Tog-dheer 381 B Barre
6. Sanaag 194 B Barre
7. Sool 40 B Barre
8. Saaxil 193 B Barre
9. M/jeex 444 B Barre
TOTAL-KA 1500/= Kun iyo shan boqol
Gunayntan Macalimiinta ee ay Hay'adda Shaqaalaha Dowladdu soo saartay waxa isaguna ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Eng. Maaxamed Xaashi waxaanu yidhi "Waxaanu idin ogaysiinayna in aanu joojinay ardeydii laga qaadi jiray lacagaha ee dhigan jiray Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Xukuummada, taas oo dhibaato ku ahayd qoysas tiro badan. Maanta oo danyartii looga tagay Iskuuladii dawlada, 1500 oo macalin ayaa qaadan jiray Gunada laga qaado ardeyda, taas oo keentay in la eryi-waayo ardeygii akhlaaqda xumaa oo la eegto laccagta laga qaadayo, iyo in Glass-yadu buuxsamaan, waxyaabahaas oo dhami waxay hoos u dhigeen tayadii waxbarasho ee Dugsiyada Xukuumamda, taas oo keentay in qofkii lacag heystay ardeydiisa geysto meel kale"

Talaabadaasi ay xukuumaddu qaaday ee ay Miisaaniyadda ugu dartay 1500 ee Macalin ee aan hore ugu jirin Liiska Shaqaalaha Dowladda iyo go'aanka ay ugu kordhisay Mushaharkii Shaqaalaha oo ay ku jiraan Macalimiintu waxay keentay khilaafkan ka dhex aloosmay Mas'uuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kalana waxay keentay dareemo badan oo lagu qiimaynayo khasaaraha iyo faa'idada go'aanka xukuumaddu u leeyahay Macalimiinta iyo adeegii Waxbarasho ee Dalka.

Aragtiyaha ugu waaweyn ee lagu naqdinayo go'aankan ayaa ah in ay arrintani keeni doonto cawaaqib xumo la soo darista Waxbarashadii Dalka, waxaanay dadka aragtidaasi qabaa ku doodayaan kordhsiimada boqolka ah ee lagu daray Mushaharki Macalimiinta in ay ka yar tahay marka la isku daro Mushaharooyinkii ay Macalimiintu hore u heli jireen, tusaale ahaan Lacagta Waalidku ka bixiyo ardayda Macalinkiiba ka heli jiray in ka badan inta Dowladdu Mushaharka u siiso, taasoo marka la isugu daran ka badan Mushaharka ay Dowladdu siiso oo ah gaadhaysa 300,000/= iyo korodhsiimada boqolkiiba boqolka ah ee lagu daray, si kale haddii loo dhigo Macalinku wuxuu heli jiray cel-celis ahaan 800,000/= illaa 900,000/= halka uu imika ka helayo 600,000/= amaba ka yar.

Dadka aragtidan aynu soo sheegnay qabaa waxay ku salaynayaan in aanay xukuumaddu ka fiirsan ama aanay hoos ugu daadegin qaabka ay u soo noolaayeen Macalimiintu ee ay u heli jireen gunooyinka, marka leego Maamul ahaan iyo Macalimiinba, waxaanay xiganayaan Wareegto soo baxday 2003 oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyihii hore Waxbrashada ee Gobolka Hargeysa Axmed Cali Aadan "Toor) Taasoo dood iyo falanqayn ka dib la soo saaray go'aan dib loogu habaynayo habka qaybsiga Gunnada Waalidka laga helo, taasoo u dhignayd sidan "Tixraac wareegtada summadeedu ahayd W/W/08/66/03, taariikhda 23/08/2003 kuna saabsanayd baadhis dacwo iyo warbixinta ay soo gudbiyeen Guddida loo xilsaaray in arrinta ay soo baadhaan tariikhduna ahayd 27/08/2003"

Maamulka, Macalimiinta iyo Shaqaalaha hoose ay ku leeyihiin 90%
Dhigaalka dugsiga oo isticmaalkeeda ay isla kaashan doonaan maamulka, Guddida Waalidiinta iyo Guddida wacyigelinta, kadib marka la caddeeyo in dugisga qabo baahida 02%
Telefoonada iyo Biyaah 04%
Kormeerayaasha 2.5%
Guddoomiyaha (REO0 or (DEO) 1.5%
Lacagta waalidku bixiyo waxa lagu qaban doonaa (Duplicate) oo ardayga la siiyo nquul isla markaana bil kasta diiwaan ayaan la gelinayaa lacagta tiradeeda guud iyo hab-qaybsigeedaba.
Dugsiyadda ardaydoodu tahay ama ka yar tahay 200 kama hrigalayo qoddobkani
Lacagta kormeerayaasha/Guddoomiyaha waxa uu maamule kastaa ku soo xeraynayaa xarunta guddoomiyaha waxbarashada iyadoo guddoomiyuhu u xil saari doono cid ka qabata iyadaana lagu qaybsan doonaa, waxay isugu jirtaa kharashkii hawl socodsiinta xafiiska Guddoomiyaha oo ah 1.5%, Gunnada Kormeerayaasha oo ah 2.5%.
Haddaba go'aanka wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo 28/09/2003, waxaana la farayaa dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada JSL in ay ugu dhaqmaan sida uu yahay, sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-geliyaaan, ciddii xad-gudub ku sameysa ee ugu dhaqmi wayda sida uu yahay waxa loo qaadan doonaa nin ka horyimid sharciga iyo nidaamka u dhigan Wasaaradda Waxbarashada waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon.

Marka laga shidaal-qaato habka loo qaybsan jiray Gunnada Waalidku ka bixiyo Ardayga waxa soo baxay Go'aanka xukuumadda cusubi qaadatay in ay wax ku waayaan dad badan oo bilaa gunno ku shaqayn jiray kuwaasi oo aanay xukuumaddu wax tix-gelin ah aanay siinin, tusaale ahaan Macalimiinta dalka ka shaqayn jirtay ee Gunnaysnay ama aan Gunnaysnay kala badhkood waxay shaqayn jiree laba jeer (Gelinka hore iyo Gelinka Dambe) taasoo ay gelinka dambe ku kabi jireen Mushaharaadkooda taasina way ka baxaysaa dakhligoodii, sidoo kale waxa meesha ka baxay 250 Macalin oo ka mid ah Macalimiinta aan muddada dheer gunnaysnayn, halka haba yaraatee Xukuumaddu aanay qorshaha sanadkanba aanay ku darsan Macalimiinta Dugsiyadda sare wax ka dhiga ee aan gunnaysnayn.

Ilduufka ka muuqda go'aanka xukuumadda ayaa waxay sababi kartaa in kala badh arday Dugsiysadu ay waayaan Macalimiin, sidoo kalana Macalimiintu ay saluugaan Mushaharaadka imika loo qoondeeyay oo kaba yar kii ay u hore u heli jreen, daboolina Karin baahiyahoodii nololeed iyagoo markooda horeba dulmanaa.

Hase yeeshee aragtidan tan ka soo horjeedaa waxa taageeraysaa hadalka Wasiirka Maaliyadda, waxaana suurta-gal ah in Waalid faro badan oo ay ku adkay bixinta Fee-ga Iskulku ay ardaydoodu waxbarasho hesho, ardayda qaarkoodna ay ka raysato erigii ay macalimiintu kula kici jirtay ardayda marka ay waydo Lacagta.

Si kasta ha ahaatee waxa la gudboon xukuumadda in ay il-dheer ku hayso khaladaadka ka soo bixi kara go'aankeeda, isla maraana diyaarsato wixii ay kaga hortagi lahayd cabashooyin ka yimaada Macalmiinta guud ahaan. Maadaama Mas'uulkii ugu sareeyay Wasaaradda Waxbarashada uu dalka ka maqan yahay Masuuliyiintii xilka uga hoosaysayna ay is-haystaan.

Waxa dhici karaa in googaradahaa ilkahaa las kagaa saaro!
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo sifaray, saaray

Post by Mr_Alfaas »

Waxa dhici karaa in googaradahaa ilkahaa las kagaa saaro!


:shock: :shock: :shock: :shock: :shock: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:


Mesha barnaamijna kuma hayaan wa is wada qabqabsiga :lol:
Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo sifaray, saaray

Post by Ceelafweyn »

Alfas,

Inader, I wouldn't go that far, as we know all adminstrations can sometimes experience problems in having different opnions and way of work.

I think the high ranking officers within the education department should focus on policy work and not qualm over implemention of agreed work.

Ceelka.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo sifaray, saaray

Post by Siciid85 »

Bohol iyo karaman wrote:
Waxa dhici karaa in googaradahaa ilkahaa las kagaa saaro!

:shock: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”