Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This guy suppose to be "Wasiirka Arimaha debeda ee Dawladda Soomaaliya ", yet...look what he said and done
Oomaar oo Shaaciyey Sir uu ku kala Qaybinayo Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha debeda ee Dawladda Soomaaliya Maxamed C/Laahi Oomaar ayaa ka sheegay magaalada Oslo ee dalka Norway arin fajaciso ku noqotay inta badan umadda Soomaaliyeed ee midnimda jecel.
Oomaar oo dalka Norway u tegay arimo shaqo ayaa wuxuu kulan kula yeeshay magaalada Oslo ee xarunta dalkaasi Norway Jaaliyadda beeshiisa ee ka soo jeeda magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, halkaas oo uu ku soo bandhigay Qorshe qabiilaysan oo ka fog wadaniyada iyo Soomaalida oo uu kula dhex jirey dawladda Soomaaliya.
Oomaar ayaa sheegay inuusan waxii ka horeeyey sanadkii 2009 uusan ahayn siyaasi, isla markaana uusan xildoon ahayn lakiin asagoo jooga Hargaysa uu soo wacay Ra’iisal wasaarihii hore dawladda KMG ah Cumar C/Rashiid Ali Sharmaarke, kaasoo u sheegay inuu u hayo xilkaas wasiirnimada ah.
Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan jooggaaye bal horta waa inaan iyada waydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala maaha’e,” sidaa waxaa yidhi Oomaar oo la hadlayey xubno ka soo jeeda Jaaliyadda beeshiisa Isaaq ee ku nool dalka Norway,
Oomaar wuxuu sheegay inuu markaasr ka dib uu xidhiidh la sameeyey xubno ka tirsan jabhadii SNM ee gumaadka faraha badan ka gaystay geyiga Soomaaliyeed wuxuuna yidhi.”“Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, saddex saacadood kadib waxay iigu soo jawaabeen ‘adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay.’ Waan ka tegay, saraakiishii SNM ayaan doontay, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo qayrkood, waxayna igu yidhaahdeen
‘haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag.’ Markaa anigu kumaan tegin mansab raadis, mansabkeeda iyo nabadeeduna wax la hubo may ahayn. Balse aniga waxay iigu muuqatay in danteenu sidaas ku dhex jirto oo aan dhex galo ogaanana Siraha iyo waxyalaha ka dhanka ah maamulkeena iyo goono isku taageena”. ayuu yidhi Oomaar oo ay hadalkiisa duubeen qaar ka mid dadkii uu la hadlayey.
Oomaar wuxuu sheegay inuusa u tegin halkaas inuu lacag ka ameeyo” Anigu daaro inaan dhisto umaan tegin qol baan ka deganahay Xamar ee danta beesheena iyo maamulkeena inaan Fagaarayaasha Caalamka uga doodo ayaan u tegay oo aan codkeena gudbiyo” Dastuurka ayaan hada la hagaajinaya waa la idinku soo daraya” waxaa kaloo jirta inaan hada hawshaas ku jiro oo Somaliland iyo Somalia loo wada hadlo sidii labo dawladdood oo la ina tixgeliyo”, sidaas waxaa yidhi ninka Dawladda Soomaaliyeed ugu magacaaban Wasiirka Arimaha debeda Maxamed C/Laahii Oomaar.
Wsiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Isaaqoow in meel lagu dhego maahaa, waa inalaga faa’ideysanayaa waxaa weeye anigu talo ayaan meesha ku joogaa, waxaad ogaataan in Cigaal , Riyaal iyo Ahmed oo hada joogaa aysan waxba labaatankii sano soo kordhineyn hadeeynaan qadiyadeena inagoo Xamar joogna u gudbin dunida waxba inoo socon maayaan”,
“Hadana idinkaan idin maqanahay hadaad dhahdaan iska joog oo ha ku noqon Xamar halkaas ayaan ku joojinayaa” laakiin iidaaya shaqada oo ii Hiiliya ana waan idin Hiilinayaaye” Dastuurka cusub waxaa ku jirta in wkahtiga sideeda bilood ah markuu dhamaado dawlad rasmi ah la dhiso taas ayaad idinkoo dawlad ah la doodaysaan caalamakana waan ka dhaadhicinaya hawshan”. Sidaas waxaa markale yidhi Oomaar oo ah wasiirka Arimaha debeda ee Dawlada Soomaaliya ee ku dhisan in aan dalka Soomaaliya la kala goyn” Meel kasta waxaa yaala Union Act, oo ah labo dawladdood oo heshiiyey” Gaalkacyo iyo Baydhabo lama mid ma nihin dawlad ayeynu nahay” UN ka, AU,EU ARAB Leage meelkasta waxaa yaala qoraalkaas labada dawladdood ku heshiiyeen waa in aynu taas jebinaa oo ka gudubnaa” waana sidan sida looga Takhalusi karo Midnimadana madax martay Koonfurta Soomaaliya ayuu yidhi Oomaar”.
Hadalka Wsiirkan ayaa wuxuu noqonayaa mid fadeexad qaran ah, kaasoo hadii uusan iscasilin ay tahay in Ra’iisal wasaaraha iyo Maxkamada sare ee qaranku ay danbi khiyaano qaran ah ku soo Oogto Oomaar, halka Ra’iisal wasaare Farmaajona laga doonayo inuu talaabo ka qaado Wasiirkan, hadii aysan Xukuumada Soomaaliya talaabo ak qaadin wasiirkooda Arimaha debeda waxay u muuqan doonaan dawlad aan dan ka lahayn Midnimada umadda Soomaaliyeed taasoo ah mida ay dawladda dhexe taageerada faraha badan kaga haysato shacabka Soomaaliyeed ee midnimada jecel.
Coeus wrote:I know i posted this earlier. This guy is a walking idiot.
Somalia's GREATEST enemy is within. The self-proclaiming 'somalilander ku sheeg' are the whole reason the Civil War happened. They are fueling the clan warfare in the South. They are helping Ethiopia oppress Somali citizens of Western Somalia (Ogadenia) and Southern Somalia.
Coeus wrote:I know i posted this earlier. This guy is a walking idiot.
Somalia's GREATEST enemy is within. The self-proclaiming 'somalilander ku sheeg' are the whole reason the Civil War happened. They are fueling the clan warfare in the South. They are helping Ethiopia oppress Somali citizens of Western Somalia (Ogadenia) and Southern Somalia.
Saaxib the problem is not Somaliland, the problem is that the south isnt united in anything. There are traitiors in the goverment, in the al shabab and among the civilians. Nobody is f-king united its like a mess, yet we complain towards Somaliland, wallahi these kind of people that make these statements must have their head cut off. This isnt a way a goverment member should conduct itself.
Saaxib the problem is not Somaliland, the problem is that the south isnt united in anything. There are traitiors in the goverment, in the al shabab and among the civilians. Nobody is f-king united its like a mess, yet we complain towards Somaliland, wallahi these kind of people that make these statements must have their head cut off. This isnt a way a goverment member should conduct itself.
Somalia has too many traitors.
The SNM were fighting since 1981, and not a one time did they ever mention that they were fighting to separate from Somalia. After the 1991, when virtually every Somali fought the other....they said "somaliland"...for the first time.