Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa goordhoweyd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxana uu Shiikh Cali dheere shirkiisa jaraa'id uga hadlay waxqabadka Wilaayaadka Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta Soomaaliya.
Shiikh Cali Dheere oo sheegay in uu maalmo dhoweyd socdaal ku soo maray dhamaan tobanka Wilaayo ee hoos yimaada maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in wilaayaadka Islaamigu ay sameeyeen horumar balaaran oo wax ku ool ah.
Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in horumar fiican Wilaayaadka Islaamigu ka gaareen dhanka Dacwada, ku dhaqanka shareecada Islaamka, dhismaha wadooyinka, qaybinta Zakawaadka, la dirirka Jahliga, wax soo saarka beeraha iyo u gurmashada dadka ku wax yeeloobay abaaraha.