Multi Party Proposal - Blocked Selfishly
Posted: Thu Jan 20, 2011 8:22 am
Saddexda Xisbi Qaran oo Isku bahaystay inaan la Furan Ururada Siyaasadda iyo Dareenka ka dhashay
“Haddii aanu KULMIYE nahay waxyaabihii aanu Dadka u sheegaynay waxa kamid ahaa inaanu ogolaanayno Furashada ururadii siyaadda haddii aanu Doorashada ku Guuleysano” Baashe Gaboobe
Hargeysa (Waaheen) -Saddexda Xisbi Qaran ayaa shalay sheegay inaanay xiligan munaasib ahayn Furashada Ururrada siyaasaddu. sidaana waxay ka sheegeen dood lagu falanqeynayay furashada ururada siyaasada, oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana doodaasi soo agaasimay Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland iyo Machadka Cilmi baadhista iyo horumarinta.
Waxa ugu horayn madashaasi lagu daawaday oo lagu soo bandhigay Filim dukumantari ah oo laga soo diyaariyay aragtida dadweynaha Somaliland ka qabaan in loo galo doorashooyinka soo socda Ugu horeyn waxaa halkaa lagu daawaday Filin ka tarjumayey aragtida dadeynaha ee ku wajan qaabka loogalayo Doorashooyinka soo socda iyo waxay kaga duwanaan karaan afartii doorasho ee aynu soo galnay.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Xaaji Maxamed Xamari oo ka ka hadlay doodaasi ayaa sheegay inaanay iyagu ka qeyb galayn doodan, maadaama oo ay yihiin garsooreyaal dhexdhexaadinaya xisbiyada doorashooyinka Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ahna Ku simaha Gudoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo doodaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay daruuri ahayn isla markaana aanay wacyiga Somaliland la jaan qaadi karin in xiligan la fasaxo furashada ururada siyaasada.
Sidoo kale, waxa isaguna si weyn uga biyo diiday in la furo ururada Siyaasada Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE. Md. Kayse Xasan Cigge, waxaanu sheegay inaanay sharci ahayn in la fasaxo furashada ururada siyaasada. Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Muuse X. Maxamed Guulleed (Muuse Inji) oo ka hadlay doodaasi ayaa xisbiyada kale ku raacay inaanay haboonayn furashada ururada siyaasada.
Guddoomiyihii olalaha doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Tallada haya ee KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, oo halkaasi ka hadlay ayaa inta uu kor u qaaday barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE u soo bandhigay ummadda wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahaa Gudoomiyihii Gobalada galbeedka ee tartankii olalihii doorashadii Madaxtooyada ee la soo dhaafay haddii aanu KULMIYE nahayna waxyaabihii aanu dadka u sheegaynay waxa kamid ahaa inaanu ogolaanayno inay dadku dib u furan doonaan ururadii siyaadda haddii ay codkooda nasiiyaan oo aanu doorashada ku guuleysano Xogyaha Xisbiga Kumiye-na waxaan leeyahay dib ugu noqo Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye” Guddoomiyihii hore siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, oo halkaasi ka hadlay ayaa xisbiyada ku dhaliilay furfurnaan la’aan waxaanu ku tilmaamay kuwo aan la iska dhex sharaxi kar, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Horta waxaa fiican inaan marka hore is waydiino waar Xibiyadu iyaga qudhoodu Dimuqiraadi ma yihiin oo dhexdooda ma laga tartami karaa oo wixii la doono ma laga odhankaraa mise waxay u xidhanyihiin dad gaara.”
Gar yaqaan Aadan Xaaji Cali oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u habayn iyo fasiraadba lagu sameeyo Qodobada 14-aad iyo 9-aad ee xeerka doorashooyinka Somaliland oo saldhig u ah muranka siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaga doorashooyinka iyo in dib loo furan karayo ururadii siyaasada. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, oo ka hadlay doodaasi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la fasaxo furashada ururada Siyaasada, waxaanu sadexda xisbi qaranba ku sifeeyay kuwo rag koobani xuurtaysteen oo ay ka dhigteen wax ay jeebka ku haystaan.
“Waxaan qabaa in dadka loo ogolaado inay furtaan ururadii Siyaasadda waayo kuwan hadda joogaa waxay ka dhigteen meel ay iyagu iska leeyihii, adeer adiga waxaan ku waydiinayaa sideebaad gudoomiye nimada uga qaadikartaa Faysal Caliwaraabe waakan ku dhagan ee laga fujin layahaye,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.
Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo ka socotay ururada bulshada ayaa sheegtay inay danaynayso in la fasaxo furashada ururada siyaasada, si kor loogu qaado hanaanka dimuqraadiyada dalka.
Siyaasiga Maxamuud Cabdullaahi Sifir oo halkaa ka hadya aya isna sheegay isku duubidda baahsanaanii 3 Xisbi qaran ee ay ka hor istaagan yihiin muwaadiniinta kale inay furtaan ururadii Siyaasadu inay lamid tahay sida 5 Dawladadood ee had iyo jeerba hor fadhiya golaha Qaramada Midoobay (Fito powerka) oo ay iyaga oo kalioya ahi ku amar ku taag leeyaan, Mr Sifir oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “golaha Qaramdaa Midoobay waxaa had iyo jeer ka dhacda inay hor fadhiyaan waxa 5 Dawladood ee waaweyn ee loo yaqaano B5 tana waxay ila tahay inay sidii oo kale tahay”
===
Is this undemocractic move? or is it creating stability within our decomcarcy, what are your views?
Salams