Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wefdi u hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay kadib markii ay safar ku tageen dalka Jabuuti.
Wefdiga Madaxweynaha ayaa duhurnimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,waxaana halkaas kusoo dhoweyeen masuuliyin ka tirsan Puntland iyo dadweyne badan.
Dr.Faroole oo safarkiisa ay ku weheliyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada ee Garoowe.
Madaxweynaha ayaa hadal kooban ujeediyey Saxaafada isla markaana ka warbixiyey safarkiisa,waxaana uu sheegay in magaalada Jabuuti ay kula soo kulmeen masuuliyin ka tirsan Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Midowga Afrika iyo madax kale.
Wuxuu sheegay in masuuliyinta ay la kulmeen u bandhigeen qoraal cadeynaaya sababaha ay u jareen xirrirka kala dhaxeeyey Dawladda Federaalka,waxaana uu cadeeyey in Puntland aysan ka go’aynin Soomaaliya.
Dr.Faroole ayaa mar kale ku celiyey inuu aad uga xunyahay hadalkii Raysalwasaare Farmaajo oo ahayd in shacabka Puntland aysan isku go’aan ahayn Dawladda isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid nacasnimo ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii sheegay in Beesha Caalamka iyo Umadda Soomaaliyeed kala shaqayn doonaan sidii loo heli lahaa qof bedela Madaxda hadda jirta ee Dawladda Federaalka markii uu dhamaado waqtiga yar ee u harsan.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland