
Wasaarada Cadaalada iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa sanadkii tegay u qabsoomay howlo badan kuwasoo ay wasaaradu ka fulisay deegaanada Puntland.
Wasaarada ayaa iyadu waxqabadkeeda kusoo bandhigtay qaab qoraal ah iyo filim ka sheekaynaaya waxqabadkii sanadkii 2010 ay wasaaradu ku talaabsatay.
Agaasimaha Wacyi galinta ee wasaarada Cadaalada Puntland Ismaacil Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in wasaaradu ay wacyigalin balaaran oo dadka laga wacyi galinaayo ay ka qabatay deeganada fog iyo kuwa dhow,waxaana ay wasaaradu gacan ka helaysa hay’adda NCA ay wacyigalin balaaran oo ay dadka kaga wacyi galinayso falalka burcadbadeednimda ay tagtay deegaano badan kuwasoo ay kamid ahaayeen Xaafuun,Bandar bayla,EYL iyo meelo kale.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wasaaradu ay gacan ka gaysatay nadwooyin ay isugu yimaadeen culumo badan kuwasoo ka dhacay magaalada Garoowe kuwasoo dadka lagu baraarujinaayay.
Wasaaradu sanadkii tagay ee 2010 waxay sidoo kale Culimaa’udinka u qabatay Kulan,waxaana uu ku saabsanaa sida loo xalin karo khilaafaadka iyadoo kulankaas ay ka qaybgaleen Culimaa’udin kasocday Ururka Culimada ee Geeska Afrika.
Wasiirka Cadaalada Puntland C/khaliif Xaaji Xassan (Ajaayo) ayaa sheegay isna in wasaarada cadaalada ay sanadkii tagay ay ahayd mid ay ku talaabsatay himilooyin badan kuwasoo ay u qabatay dadkeeda.
Wasiirka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in wasaarada ay mar kasta soo bandhigi doonto waxqabadkeeda kasoo ahaa hawlaha loo igmaday.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaarada sanadkaan ay doonayso in ay qabato howlo badan kuwasoo ay hada gacanta ku hayso qaybtood wasaarada,waxaana kamid ah qaybaha ay hada wasaaradu wado 5 qol oo caafimaadka, 2 dugsi qur’aan iyo hal masaajid iyo ceel kuwasoo hada laga bilaabay magaalada Boosaaso intaa in lamid ah ay dhawaan kabilaabi doonto wasaarada magaalda Garoowe.
Ugu dambeyntii wuxuu xusay in ay dhawaan bilaabi doonaan dhismaha xarunta wasaarada Puntland tasoo ay hada soo fiiriyeen iyaga iyo hay’ada dhismaha gacanta ka siinaysa isagoo xusey in sanadkii 2010 ay kormeer kusoo sameyeen dugsiyada qura’aanka isla markaana macalimiinta ay usameyeen kaarar aqoonsi.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland
