

Shirar badan iyo watatashi dheer oo mudo u socday aqoonyahano, waxgarad, dhaliyaro rag iyo dumarba leh oo Somaliyeed ayaa leysku raacay inuu noqdo Prof, Ahmed Muumin Warfaa musharaxa jagada madaxweynenimada Somaliya 2011.
Prof. Warfaa iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxey Isbuuca inagu soo aadan ka duulayaan magaalada Salt Lake City iyagoo ku sii jeeda Goobta lagu wado inuu ka dhaco shirweynaha oo ah magaalada Minnapolis ee gobolka MN.
Prof. Ahmed M Warfa waa aqoonyahan Somaliyeed waxuuna caan ku ahaa waligii cadaalada oo umada Somaliyeed isku si ayuu ula dhaqmi jiray xiligii uu baraha amaba macalinka ka ahaa Jaamacadii umada Somaliyeed.
Waligii aradey uu wax baro ma siin waxii uu la yimid wax ka badan amaba ka yar taas oo ah cadaalad mida ugu wanaagsan ee qof muslin ah laga doonayo. Dad badan oo Somaliyeed ayaa aaminsan in la joogo xiligii uu Prof-ka iyo aqoonyahano kaleba ay wadankii ay canshuurtiisa wax ku soo barteen dib ugu laabtaan oo ay shacabka Somaliyeed hogaanka u qabtaan si jiilka danbe ee dhalan doona ugu tagaan mustaqbal iyo nolol tayo leh oo dhaanta mida ay shacabku maanta ku jiraan.
Prof Ahmed M. Warfaa waxuu qoray in ka badan 85 buug oo aad maanta ka heli karto maktabadaha ugu waaweyn aduunyada. Somali badan waxey ku xasuustaan Buugii ka hadlayey Jicibka oo ah geed mirood ka baxa dalkeenii hooyo gaar ahaan Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Mudug.
Mudada uu shirku socdo waxaa waftiga iyo marti sharaftaba diyaar ugu ah garoonka diyaaradaha Hiiraan Limo oo ah shirkada iyadu Prof Warfaa iyo waftigiisa diyaarka ugu ah halkaas.