Muqdisho
Barqanimadii maanta ayaa ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Dabaqyada dhaadheer ee kuyaala inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan garaashka Looyaqaan Xaaji Dool, waxaa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo xiligaasi gurmad u fidinayay wiil yar oo gaari BL- ah uu ku waxyeeleeyay agaagarka Masjidka looyaqaan Kaluunka ee kuyaala wadada dheer ee xariirisa garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa sida la sheegay ka shakiyay dadkii rayidka ahaa ee gurmadka u fidinayay wiilka ee gaarigu uu waxyeeleeyay, waxaana xiligaasi kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas dhaawacyo u geysatay qaar ka mid ahaa dadkii halkaasi ku sugnaa.
Inta la ogyahay 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ciidamada AMISOM ay fureen, waxaana la sheegay in rasaasta dadkaasi intooda badan ay ka haleeshay qeybaha hoose ee jirka, iyadoo dhamaan dadka dhaawacmayna ay rag ahaayeen.
Goobjooge ku sugnaa goobta ciidamada AMISOM ay ku rasaseeyeen dadka rayidka ah ayaa Shabelle u sheegay in 4-ta qof ee ku dhaawacantay rasaasta AMISOM iyo wiilkii yaraa looqaaday isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu intaasi ku daray in laga deyrinayo Xaaladda qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay.
23-kii November ee sanadkii la soo dhaafay ee 2010-ka ayay aheeyd Markii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4 ee Magalada Muqdisho iyadoo rasaastaasina ay ku dhinteen labo qof halka ku dhawaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ilaa iyo hadda la xanuunsan waxyeeladii ay u geysatay rasaasta AMISOM.
Majiro wali wax war ah oo ka soo baxaya saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku aadan waxyeelada dadka rayidka ah Maanta ay u geysteen ciidamadooda inkastoo horay saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada AMISOM ay u sheegeen inay xireen ciidamadii dadka rayidka ah ku rasaaseeyay agagaarka Garoonka diyaaradaha sanadkii 2010-ka islamarkaana ay daaweynayaan dadkii ay dhaawaceen.

