MUUSE BIIXOW KUU MAAHMAAHI MAAYO,BALSE,HADAAN KUU MAAHMAHILAA ?? QORE: CABDILLAAHI XASAN MATAAN
Alle-qabay afkana waa yaqaan wana ka-agnaan,Muuse Biixi wuxuu ka-dhiganyey waraabii yidhi cidaydaan eeday,sidookale Muuse Biixi wuxuu Noqday naagtii tidhi col-horteed jabay,maanta muuse biixi waxa uu taaganyey ninkii Deynta lagu-yeeshay (lacagta) ee intuu saaxibadii u yimi ku yidhi ilataliya oo Deynta sidaan isaga bixiyaa? ee ay ku yidhaahdeen isqaawi,oo Dadku ha-modaan inaad waalantay, marka la-arko inaad qaawantay oo aanad maryaba sidan Reerkiini ayaa Deynta kaabixinaya(lacagta kaabixinaya)ninki markiiba wuu isqaawiyey,maryiina wuu dhigtay, lacagtiina waa laga bixiyey,balse ninki walidii kamuu soo-noqon,
Hadaba muuse biixi markuu lahaa anigoo waxdili kara duco qaadanmayee Degta qorigu hayjaro ayuu waashay,markaa walidii ka-muu soo hadhin,oo meel uu ka soo-noqdana ma-joogo,markaa waxaan odhanlahaa muuse biixi adeer Gebilay iyo caasimada somaliland waalida kala-bax,cuqaasha,waxgaradka iyo culimadana xagxagashada kadaa,Dadka kugu shaqaysanayana Geelii itoobiya ka-raac,oo siyaasada ka-bax,
waxaan xasuustaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal alle hawnaxaristee oo muuse biixi ugu maahmaahay Midi Dhilisa oo bilaa Daaba,yacnii ku tilmaamay muuse biixi qofla-isticmaali karo oo cidwaliba Daab u samaysan karto,sidookale siilaanyo ayeey mudo-dheer halgan ku soo wada-jireen muuse biixi,markii xeedhadii afkatimi ayuu ku-yidhi muuse biixow maad-baran siyaasadee marbaa kuu hadhay ee gadhiga xagadanbe ka-soo qabso,soo shaqayso muuse biixow,markaa ina Cigaal Runbuu sheegay markuu lahaa muuse biixi waa Middi Dhilisa oo qofwaliba ku shaqaysto,
ugudanbayn
Muuse biixow,kuu maahmaahi maayo,balse hadaan kuu mahmaahilaa waxaan kugu maahmaahilaa Naagtii gogol dhaafka taqaanay ee Raga badan aragtay ee siday u nabad-gelaysay kiidanbe ku Garcatay,
Wabbilaahi,,,,,,,,,,,,,,,,Toqffiiq
