Somalia´s foreign minister: We are still staying in power

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somalia´s foreign minister: We are still staying in power

Post by Coeus »

Image


Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Oomaar, oo ku sugan dalka Itoobiya, ayaa sheegay Jimcihii shalay in xilliga shaqo ee dowladd Soomaaliya ay go'aan ka gaarayaan shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii Qarammada Midoobay ay sheegtay in xilli loo kordhiyo DKMG ah uusan ahayn mid go'aan laga gaaray.

Dowladda Soomaaliya, oo lagu dhisay dalka Jabuuti sannadkii 2009, ayaa xilligeedu wuxuu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo dowladdu ay xilligaas sheegtay in labada sano ay ku sameynayso dastuur cusub, ayna qabanqaabinayso doorashooyin.

"Beesha calaamku, waxaan ka helaa taageero, waana uga mahadcelinaynaa, balse dhammaashaha xilliga xukuumadda, waxaa wanaagsanaan lahayd inay innaga nooga dambeyaan," ayuu yiri Oomaar oo wariyeyaal kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Hadlakan, ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadal uu dhawaan saxaafadda siiyay ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, oo ahaa inay ka fikirayaan marka uu xilliga dowladdu dhammaado go'aanka la qaadanayo.

"Innaga, ayay mas'uuliyad naga saaran tahay horu-socodkeenna iyo qorshayaasheenna, beesha calaamkuna waa taageerayaasheenna, balse uma hadli karaan shacbka Soomaaliyeed," ayuu yiri Oomaar.

Toddobaadkan ayaa lagu wadaa in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon iyo guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay, ay iyadu mas'uul ka tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo yiri:"Ma jirto cid aan ka rajeynayno inay dhibaatooyinkeenna xalliso, balse innaga ayaa xallin doona."

Soomaaliya, waxaa ka taagan muddo 20-sano ah, dagaallo sababay inay dhintaan ugu yaraan hal milyan oo qof. Iyadoo sidoo kale ay jiraan abaaro dhibaatooyin kala duwan u geystay dadka ku nool deegaannada miyiga ah iyo dhulka beeraleyda ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”