
Wasiirka arrimaha dibadda dawlada KMGS Max’ed C//hai Oomaar oo u waramayay wakaaladda wararka ee ENA ayaa sheegay inay ka codsadeen ururka midawga Africa in dawlada KMGS lagu gacan siiyo dhisida ciidamadda xoogga dalka si ay u suuro gashin in dawladda Somalia u sugato amaankeeda.
Wasiirka oo ka qeyb galay shirkii wasiiradda arrimaha dibadda ururka midawga Africa ayaa sheegay inu hor dhigay wasiiradda kulankaasi ka qeyb galay inay inay u baahan yihiin in lagu gacan siiyo dib u dhisida ciidamada Military,ga Somalia iyo tababaridooda si ay ciidamadaasi awood ugu yeeshaan inay amnigooda sugtaan.
Wasiirku waxaa uu sheegay inay ka codsanayaan madaxda Midawga Africa iyo madaxda kale ee shirka ka qeyb galeysa in dawlada KMGS lagu taageero tababarida, taakuuleynta, iyo agabka ciidamada Militarg,ga Somalia taasoo suuro gal ka dhigeysa in ciidamadu ay awood u heleen soo celinta amniga wadanka.
“Waxaan ka codsanay in ciidamadda xoogga naloo tababaro lana taakuleeyotaasi waxay suuro gal ka dhigeysaa in ciidamadeenu isku filnaadaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somalia Max’ed C/llaho Oomaarwaxaana uu intaaku daray in dhaqaalaha ciidamadaasi ku baxayana ay weydiisanayaan besha caalama iyo wadamada deeqaha bixiya.
Ururka Midawga Africa oo hatan arrimaha amiga Somalia kulan ka leh ayaadawlada KMGS u tababaray kumanaan ciidamo ah hase ahaatee aan wax muuqdaka qaban amaanka Somalia.