Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa (3.2.2010) ayaa kormeer ku sameysay garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Axmed Cali Axmed”Gamuute”iyo Agaasimaha Wasaaradda Faadumo Cali Madoobe ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee u ka kooban yahay garoonka diyaardaha ee magaalada.
Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey gudaha garoonka Wasiirka Iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland,waxayna warbixin kooban ay ka siyeen hawlihii u qabsoomay intii hawsha garoonka gacanta ku hayeen iyo mustaqbalka waxay doonayaan in ay qabtaan.
Mudane Axmed Cali Axmed”Gamuute” Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa Saxaafada uga Warbixiyey kormeerkii ay ku soo sameeyeen qayabaha uu ka kooban yahay garoonka Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya uusan ka jirin garoonka Banadar Qaasim oo kale ah oo u dhisan sida uu dalka uga dhacay burbur ku yimaaday garoomadii diyaaradaha ee Soomaaliya.
”…Intii uu dalka burburku ka dhacay Soomaaliya lama arag garoon bilicdaas iyo quruxdaasi leh oo loo hormariyey kama jiro Soomaaliya…”,ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in garoonka Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso uu ka dhiman yahay Runway-ga dhawaana ay ku tala jiraan in ay dhamaystiraan.
Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Faadumo Cali Madoobe oo kormeerka ku wehelisay Wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay wixii ay kusoo aragtay gudaha garoonka.
Faadumo Cali Madoobe ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaradoodu ay xooga saari doonto waxqabad dhab ah oo ay ka qaban doonaan dhamaan garoomada kuyaala Puntland.
Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa la filayaa in kormeero kala duwan ay ku samayso garoomada kuyaala Puntland.
Cismaan Turaabi
Horseed Media
Boosaaso,Puntland