Beesha Jibriilyoonis Oo Sheegay Inay Hiil Iyo Hooba Lagarab joogaan Dawlada Somaliland.
Wafti Balaadhan oo ka kooban Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Cheif Of Cabinateka Madaxtooyada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo golayaasha Qaranka ayaa Saaka Subaxnimadii hore soo gaadhay Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal. waftiga ayaa waxay ka soo kicitimeen Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargaysa.
Dadwaynaha Magaalada Borama ayaa ku soo dhaweeyey Duleedka Magaalada Borama Waftiga walaw ay ahayd Subanimo hore oo ay dadwaynaha intiisa Badan ay Hurdeen hada wax si diiran laago soo dhaweeyey tuulada Goroyacowl halkaas oo ay ku sugayeen baabuur iyo dadwayne aad u tiro badan.
Waftigan ayaa loo soo galbiyey Hotel Rays Maagalada Borama halkaas oo ay ku sugayeen Saladiinta, Wax garadka iyo Aqoonyanahada Reer Borama oo iyaguna waftiga Gacmo furan iyo Qalbi furan ku soo dhaweeyey Waftigan, Qureec iyo Nanasho ka dib waxa uu waftigu u kicitimay Hoolka shirarka ee Hotel Rays halkaas oo loogu diyaariyey in ay kulamo kula yeesheen saladiinta iyo wax garadka Reer Awdal.
Ugu horayn wax uu waftigu la kulmay Salaadiinta, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beelwaynta JIbril yonis, shirka ayaa waxa uu socday 3 saacadood waxaanay ka wada hadlayeen arimho u gaar ah loomana ogolayn saxaafada, waxa sido kale diba ka joogay Maamulka Gobolka heer Degmo iyo Heer gobolba.
markii uu shirku dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Suldaan C/raxmaan Daahir gaboobe oo ku hadlayey Afka Beelwaynta Jibril Yonis waxaana uu cadeeyey in ay isku afgarteen kulankii ay la qaateen waftiga matalayey Madaxwaynaha Somalilnad Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo waxaanu cadeeyey in Beelwaynta Jibril Yonis Hiil iyo Hooba la garab taagan tahay Xukuumada Somaliland oo Waqti adag ku jirta xil ay dalka Ka jiraan Colaado iyo Abaaro.
Taas badalkeed waxaa isaguna saxaafa la hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxaanu sheegay in uu afgarad ku dhamaaday wada hadaladii dheraa ee ay la qaateen Beelwaynta Jibril yonis waxaanu u mahad naqaday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Beelwaynta Jibril yonis oo soo agaasinta soo dhawaynta waftiga iyo qabilaadoodaba.
Ugu danbaynta wax uu Waftigu SHir la qaadtay Beelaha kale ee Samaroon oo ay ka wada hadleen Arimaha Nabad galiyada iyo sidii la iskaga kaashan lahaaa Colaadaha iyo Abaaraha adag ee waqtigan ka taagan Jamhuuriyada Somaliland, waftiga ayaa waxa uu ka qaadeeyey Hotel Rays ka dibna waxay u anbabaxeen Magaalada Hargaysa ee Xarunta Jamhuuriyada Somaliland.
Wariye Abdiaziz Mohamed Elmi
Quljeednet Borama Somaliland
http://quljeednet.com/gaboobe.html