



Tan iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaraddii Beeraha ayaa waxaa tabcashada beeraha, dalagyada iyo wax soo saarka kale ee beerahu uu soo marayay marxalado kala duwan oo badan iyo dib u dhac baahsan. Gobolk Gedo oo ka mid ah gobolada ugu daran ee uu saameeyay dib u dhacasi ayaa haddana ka mid ah gobolada maanta ugu wanaagsan ee xagga wax soo saarka beeraha ee Soomaaliya.
Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa waxay na dhaxalsiiyeen in dad badan oo aqoon iyo waayoaragnimoba u lahaa waxsoosaarka beerahu ay dalka isaga baxaan xaaladda amaanka oo gaartay meeshii ugu xumayd abid awgeed. Arrintaasi iyo duruufo adag oo kale oo ay ka mid yihiin abaaro daran oo isdaba joog ah oo is biirsaday ayaa waxay dhaliyeen in waxsoosaarka beeruhu uu gaaro heerkii ugu hoosaysay ee abid.
Laakiin qibrad iyo qibrad laanba dad badan ayaan duruufihii dalka ka jiray aysan ka reebin in ay beeraha faagtaan, taasi ayaa ka dhigtay in dadka beeraha qota maanta ee ku nool gobolka Gedo ay gaareen heer aad u sareeya isla markaasna ammaan mudan.
Deg Buurdhuubo sida caadiga ah waa degmo uu dhaco webiga Jubba oo leh qeyraad badan oo dhinaca wax soo saarka beeraha ah, taasi ayaa ka dhigtay in dalagyada ka soo go’a
beeraha ku yaalla degmada Buurdhuubo loo suuq geeyo magaalooyin badan oo ku yaalla Bartamaha isla gobolkaasi Gedo sida magaalooyinka Garbahaarey Iyo Ceelcadde oo ay waxsoosaarka beeruhu ku yaryihiin.
Ma ahan oo kaliyah in tabaca beeraha degmada Buurdhuubo loo iibgeeyo meelo ka mid isla gobolka gedo balse waxaa kale oo loo qaadaa dalagyada soo go'a gobolada kale ee dariska la ah Gobolka Gedo.
Magaaladu waa mashquul, dadkuna 60% waa beeralay waxa ay subaxii u shaqotagaan dhulka beeraha oo webiga Jubba garabkiisa dhaca si ay beerahooda uga soo shaqeeyaan.
Dalagga ugu badan oo ay beeralayda gobolka Gedo beertaan ayaa ah Galayda, waxayna ugu xisheen iyadoo inta badan galaydu haddii ay hesho daryeel dhinaca waraabinta ah aysan u baahnayn howl badan oo kale amaba aysanba ku dhicin bahalada ama cayayaanka naafeeya dalagyo badan oo kale.
Barnaamijka Socdaalka Gedo waxa kuu soo wadaa barnaamijyo dheeraad ah oo ku saabsan horumarka qodaalka Beeraha Ee Magaalooyin Ay Ka mid yihiin Baardheere, Luuq iyo Doolow.
Ximan,

