Ciidamadii Puntland U Joogay BuuralaydaGalgala ee Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag Oo Iyaga Iyo Hubkoodii-ba Ay Usoo Goosteen Badhan
Hargeysa February 15, 2011 (Haatuf) - Ciidan gaadhaya 250 askari oo ka mid ahaa Ciidamadii Puntland u joogay buuraleyda Galgala ee bariga Sanaag oo kasoo jeeday deegaankaasi ayaa la sheegay inay shalay usoo goosteen degmada Badhan.
Ciidankan oo kasoo jeeda dhammaantood beesha Warsangeli oo uu wato nin lagu magacaabo oldenenglish ayaa la sheegay, in shalay galab ay soo dageen magaalada Badhan, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, kana soo kicitimay buuralayda Galgala.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Haatuf ka helay deegaamada Badhan ayaa noo xaqiijiyey, in Ciidankaasi talaabada ay kaga soo goosteen Puntland ay ka dambaysay, amar diido ay ku talaabsadeen Ciidankii Puntland ee fadhiyey buuralayda Galgala halka Ciidanka Puntland ee kasoo jeeday deegaanada Boosaaso iyo Garoowe-na la sheegay, in shalay galinkii dambe ay iyaguna u kolayeysteen dhinaca degmada Qardho ee maamul goboleedka Puntland.
Magaalada Galgala ayaa ilo wareedyado aanu ka helay xalay saqdii dhexe waxay noo xaqiijyeen inay galeen kooxda wadaadka Maxamed Siciid Atam ee buurahaasi ay ku dagaalamayeen ciidanka Puntland
Waxay intaa wararka ka imanaya deegaankaasi ay intaa ku dareen, in ciidamadaasi kaso goostay Galgala aanay la dagin ciidamada Somaliland iyo Puntland u jooga magaalada Badhan, balse ay meel gooniya ay dageen, iyadoo la sheegayna in taliyaha iyo ciidanka uu hogaaminayaa ay hore uga tirsanaayeen ciidamada qaranka Somaliland, tababarna hore ugu qaateen Biyo Guduud, balse wasiirka daakhiliga ee Puntland Kornayl Cabdillaahi Ilko jiir bari dhawayto u kaxeeyay dhinaca maamulka Puntland.
Oldenglish oo 250 askari kala so goostey mamuulka Buntiland
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 338 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 0 Replies
- 265 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 10 Replies
- 878 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 1 Replies
- 335 Views
-
Last post by original dervish
-
- 6 Replies
- 499 Views
-
Last post by LUTENANT_XAMZA
-
- 4 Replies
- 347 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by yesman10099
-
- 3 Replies
- 582 Views
-
Last post by FarhanYare