Muqdisho

Kadib munaasabad balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiin, Waxgarad, ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ka dhacday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Maktabka siyaasadda xiriirka gobolada ee Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Maamulka gobolka Banaadir ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo lagu badalay Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo loo yaqaano (Abuu C/raxmaan).
Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah Madaxa siyaasadda iyo gobolada ee Al Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Shabaab ee gobolka Banaadir mudo badan uu soo shaqeeyay islamarkaana Maktabka uu gartay in xilka laga qaado laguna badalo Sheekh Max’ed Xasan Cumar.
Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay waaligii hore ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo sheeagy in uu ku faraxsanyahay xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka qabtay gobolka Banaadir.
Sheekh Cali Max’ed Xuseen Wakiilkii hore ee Xarakada Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo maanta xilka laga qaaday ayaa waxaa uu sheegay in loo baahnaa in isbadal lag sameeyo Maamulka gobolka Banaadir ee Al Shabaab, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo gudoomiyaha lagu badalay.
Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu C/raxmaan) oo ah waaliga cusub ee gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo isna ka hadlay munaasabda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanayahay xilka adag oo ay u magacaabeen Al Shabaab wax badan uu ka qaban doono wanaaga gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhikgay.
Gobolka Banaadir oo ka kooban 16-degmo, waxaa ku dhawaad 10-degmo gacanta ku haya Shabaab, waxaana gudoomiyaha cusub ee gobolka Baanadir ee Al Shabaab uu ugu baaqay ciidamada Shaabab inay sii wadaan dagaalada ay kala horjeedaan dowladda
KMG Somaaliya.