Maamulka Puntland ayaa ciidamadii ugu horeeyay soo gaadhsiiy

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Maamulka Puntland ayaa ciidamadii ugu horeeyay soo gaadhsiiy

Post by grandpakhalif »

Wararka imika laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sool ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqaya in ciidamo fara badan oo isugu jira hay’adaha kala duwan ee Amniga Puntland islamarkaasna qeyb ka ah kuwa difaaca ee Puntland oo wata hub aad u badan & gaadiid dagaal oo aanan tiradooda la xaqiijin carin ayaa galabta gaadhey deegaano katirsan gobolka Sool gaar ahaana Tukaraq & Gambadhe oo inkayar 28-Km oo kaliya u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidaka Puntland ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay kusoo celinayaan deegaanada ka maqan Puntland, waxaana sidoo kale jira ciidamo beeleedyo ay dadka deegaanku iska abaabuleen oo uu madax u yahay.

Sida ay sheegayaan masuuliyiin Dawlada ka tirsan ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay soo dedejisey hawlgalkan wararka foosha xun ee ka imaanaya degaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn oo maamulka la baxay Somaliland ciidamo iyo maleeshiyo beeleedyo taageeraya ay ku soo qaadeen.

Dhinaca kalena waxaa maanta duhurnimadii magaalada Buuhoodle gaaray Wafti sare oo katirsan Puntland oo isugujira saraakiil ciidan & Xubno katirsan dawlada Puntland kuwaas oo uu horkacayo Gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Puntland oo deegaankaas laga soo doorto, waxaana waftigan galbinayey Tobonaan katirsan gawaarida gaashaaman ee Puntland kuwaas oo isla galabtaba gaaray deegaanada Kalshaale, Hagoogane & Meygaag islamarkaasna si rasmi ah uga qeybqaadanaya difaacista gobolka Ceyn iyadoo tanina ay noqonayso talaabadii ugu horeysay ee ay Puntland qeybteeda ka qaadanayso taniyo intii ay dagaaladdu ka bilaabmeen gobolka Cayn.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Puntland oo laga dareemayo Talisyada Puntland & Magaalooyinka Boosaaso & Garoowe ayaa bilowday xalay saqdhexe kadib markii uu madaxweynaha Puntland xalay ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda,waxaana ay tani imaanaysa xili ay deegaanada dalka oo dhan ka dheceen banaanbaxyo ka dhan ah duulaanka Somaliland ee gobolada SSC & sida aysan dawlada Puntland wax tilaabo ah uga qaadin.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Maamulka Puntland ayaa ciidamadii ugu horeeyay soo gaadh

Post by hargaysaay »

oh my god this is good news
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”