Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Siciid85 »

Pro Development. :up:


Beesha Degaanada Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda Maydh iyo Wadada Tabca.

Ceerigaabo(Sanaag.Org) Beesha Habar Yoonis Bari oo Shir qaatay mudo 4 maalmooda ku yeeshay Buurta Daallo ayaa
Gebagebadii Shirkaasi kasoo saaray Go,aamo wax ku oola Kuwaasoo Nuxurkooda ahaa in talo midaysan Beeshu Gudo iyo
Debedba isla qaateen in la bilaabo dhismaha Dekeda Maydh iyo Wadada Tabca ee isku xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Maydh. Af-hayeenka shirkan Yuusuf Nuur Cali oo gebagebadii shirka halkaas ka hadlay ayaa isagoo ka hadlaya nuxurka iyo go’aannada shirkan kasoo baxay wuxu yidhi "Shirkan mudda 4 casho ah soo socdey ujeeddadiisuna ahayd horumarinta degaannada beeshani degto waxa go’aannada kasoo baxay ee aannu saxaafadda u gudbinayno ugu waaweyn Dhismaha dekedda Maydh oo bilahan foodda innaku soo haya la bilaabi doono iyo Waddada Tabca oo lagu xejin doono iyo guud ahaan adkaynta nabadgelyada degaannada beeshani degto, waxyaabahaas oo la isla qaatay". Isagoo intaas kusii daray "Waxannu soo dhowaynaynaa cid kasta oo wax ku darsanaysa horumarkan aannu wadno iyo weliba cid kastoo dan guud iyo degaankuba naga dhexeeyo oo ay ka mid tahay beesha Muuse Carre, degaankayaguna waa meel nabadgelyo ka jirto oo cid walba u furan, waxannuna shirkan qabsoomiddiisa mahadnaq weyn uga soo jeedinaynaa qurba-joogta beeshan oo gacanta u weyn ka geysatey".

Chief-caaqil-Saalax Maxamed Xirsi oo isaguna fagaarahaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi "Shirkani waa shir nabadgelyada iyo horumarka lagaga arrinsanayey, go’aannadiisuna waa in dhowaan la bilaabi doono dhismaha dekedda Maydh iyo waddada Tabca iyo weliba soo dhowaynta iyo nabadgelyada cid kasta oo degaankani naga dhexeeyo ama horumarkan gacan ka geysanaysa, cid kastana degaankani waa u furan yahay marka laga reebo wixii waxyeellaynaya nabadgelyada iyo deegaanka, taas iyada ma oggoline cid waliba ha ogato maanta".

Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi oo isaguna gebagebadii halkaas ka hadlay ayaa yidhi :"Shirkan go’aannada kasoo baxay waa sidaas lasoo sheegay, waxannuna soo dhowaynaynaa cid kaastoo horumarkan iyaduna gacan ka geysanaysa". Isagoo dhinaca xukuumadda ka hadlayana wuxu yidhi "Xukuumadda waxqabad la taaban karo weli kama hayno, haseyeeshee cabashada dhinaca xukuumadda dib ayaannu u dhiganaynaa welina waa ka dhur-sugaynaa". Ugu danbayn wuxu intaas kusii daray "Beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhex martay degaannada Kalshaale/Buuhoodle waxannu ugu baaqaynaa khilaafka jira wada hadal iyo nabadgelyo in lagu soo af-jaro, xabbadduna xal ma keentee waxannu leenahay xabbadda ha la joojiyo".

Waxa iyaguna shirkan ka hadlay madax-dhaqa,eedyo guurti aqoonyahanno culima’u-diin iyo waxgarad kale oo dhammaantood beeshan kasoo jeeda oo ay kmid ahaayeen Axmed Maxamed Xasan(Guddoomiyaha guddida qabanqaabada) Caaqil-Saalax Cige Cali, Guurti-Siciid Shire (Dabagalle) Guurti-Ismaaciil Axmed (Jaldhac) Guurti-Cabdi Warsame Xirsi Aqoonyahan-Jaamac Jibriil Jaamac Sarkaal-Siciid Aw-Axmed (Joro-joro) iyo qaar kaleba.

Waxana intaas kaddib waayeelka beeshani tageen Tuulada Karin oo abuuritaankeedana uu iska lahaa ninka magaciisu yahay Ducaale Shire (Ducaale-case) oo waayeelka beeshaas ka mid ah, halkaas oo ay ku ducaysteen, sidoo kalena uga mahad celiyeen qaar qurba-joogtooda ka mida ah oo iyaguna halkaas wax ka qabtay, sidoo kalena qurba-joogta kale ku boorriyeen in ay horumarka kala qayb qaataan walaalahooda ku hawl-lan.

Dhinaca kalena.

Shirkan ayaa u muuqda mid bulshada degaankaasi mid ay kaga gaashamanayaan

Dhib kasta oo Dalka soo waajahda iyo sidii ay uga maarmi lahaayeen dekada Bosaaso.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Siciid85 »

A port in Maydh is a long term advantage and a economic boost to the Eastern regions of Somaliland.


Image

Image

Image

Image

Image

Image


Image

Image

Image


Image



Image
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by AsadSL »

was it on universal today.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by The_Emperior5 »

it was on horn cable tv :sland: :up:
User avatar
MujahidAishah
Posts: 16995
Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by MujahidAishah »

saw it on HCTV they are buliding a uni there aswell :up: :D
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by AsadSL »

developing Maydh and ceerigaabo :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Siciid85 »

AsadSL wrote:developing Maydh and ceerigaabo :up:

:up: Maydh & Ceerigaabo are like twins they both need each other.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Keyse_0208 »

Siciid u love this little town :lol: Maad tigidh goosatid saxiib

Well done to reer Maydh, inshalla ilaahay hawsha ha u fududeeyo :up: :sland:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Siciid85 »

Keyse_0208. Inshallah i am planning to go the motherland this summer if allah wills. I love all the motherland niyohow :sland: well apart from Buhoodle. :lol:
Last edited by Siciid85 on Fri Feb 25, 2011 5:16 pm, edited 1 time in total.
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by AsadSL »

Tulada jidali ya dega.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Reer Maydh oo Ka Dhawaajiyey Bilawga Dhismaha Dekeda

Post by Siciid85 »

AishahWaqooyi wrote:saw it on HCTV they are buliding a uni there aswell :up: :D

It was also on UniversalTV. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”