
Dagaalo Culus Oo Ka Qarxay Waqooyiga Magaalada Muqdisho....
Feb 28,2011
by Muqdisho-Gedo-News
Waxaa hadda dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho ka qarxay dagaalo xoogan & madaafiic ay isu adeegsanayaan kooxaha ku dagaalansan magaalada Muqdisho,waxaana dagaaladaasi ka socdaan aggaga waqooyiga magaalada Muqdisho oo maalmahan lagu dagaalansanaa.
Dagaalkan ayaa hadda si xoogan uga socda degmooyinka Cabdulcasiis & Boondheere halkaasi oo ay kooxaha dagaalamaya isugu adeegsanayaan hub aad culus oo kooxaha dagaalamaya isku ridyaaan,waxaana dhinac socda dagaalka Madaafiic culus.
Sida goobjooge ku sugan degaankaasi Warbaahinta Gedonet u sheegey waxaa dagaalkani yimid ka dib markii xoogaga Xarakada Alshabab dagaal culus ku soo qaaden fariisimo ciidamada dawladu degaanadaasi ku leeyiihiin,waxaana halkaasi ka qarxay dagaal aad u culus.
Dadka fara ku tiriska ah ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa dhagahooda waxa ku soo dhacaya hugunka madaafiicda kooxaha dagaalamaya isweydaarsanayaan kuwaasi oo ay ka mid yihiin Taangiga & BM-ku,waxaana dagaalku yahay mid aad u daran.
Ugu dambeyntii dagaalkan xoogan ee hadda halkaasi ka qarxay ayaa imaanaya xilli ay xalay dagaalo adagi ka dhaceen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada warshadaha halkaasi oo ay wali ciidamadii ku dagaalamay isku horfadhiyaan.
Kala soco Gedonet wararka ka soo kordha dagaalkaas.
Ahmed Aadam Gacal
Muqdisho-Gedo-News
Gedonet.com@gmail.com
http://www.gedonet.com/index.php?news=6203