All the Al-Shabaab figures in Gedo have left their roles, and abonded al-shabaab after hearing that Al-Shabaab have slaughtered a reer hassan man in B/xaawo during wednesday battle, they all left when the Marehan nabadoons and ugaas told them they will disown them after breaking tolnimo by listening to non-sade and killing sade man in a brutal way, also other al-shabaab figures in Gedo have left for other reasons. Abu Mansur and fuad shangole came to b/xaawo yesterday to solve the collapse of al-shabaab figures in Gedo.
Baxsadka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa intiisa ugu badan waxaa uu ka bilowday gobollada ku dhaw dhaw xadka Kenya kuwaas oo si sahlan uga gudbi kara xadka Kenya si ay uga baxsadaan qatarta ku soo wajahan kooxda Al-shabaab.
Ragga illaa hadda ay inoo suurta gashay in aanu helno magacyadooda ee baxsaday kana tirsanaa horjoogayaasha kooxda Shabaab ayaa intooda badan waxaa ay ka tageen gobalka Gedo, waxaana ay baxsadeen saacado kala duwan oo aan kala fogayn kaddb markii ay soo muuqdeen ififaalaha burbur ee soo foodsaaray kooxda Al-shabaab.
Ragga cararay waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo koobay Indhabuur oo ahaa horjoogihii Shabaab ee Buurdhuubo Cabdi Jabaar Sh Mukhtaar iyo Cabdi Yuusuf Macalin oo iyana ahaa horjoogayaal kale oo ka shaqeynayay gobalka Gedo Maadoow Keeroow oo isna haystay magaalada garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.
Raggaan ayaa iyagoo iska badalay muuqaalkii ay lahaayeen iskana xiiray Garkii iyo qaab labiskii kooxda ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ka talaabeen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayagoo galay gudaha Kenya iyagoo iska dhigaya dad qaxooti ah.
Arrintaan ayaa markii ay ku baraarugen horjoogayaasha waawayn ee Shabaab waxaa ay durba gobalkaasi u direen ninka u qaabilsan gobollada oo lagu magacaabo Xuseen Cali Fiidoow kaas oo si deg deg ah xilkii uga xayuubiyay horjoogihii guud ee Gedo Bishaar Aadan Xasan taas oo ah baqdin ay ka qabeen in uu isna baxsado maadaama raggii ka hooseeyay ay carareen.
Baxsadka raggaan ayaa sidoo kale keenay in ajaanibta colaad ku noolka ah ay la wareegaan hoggaanka dagaalka Gedo gaar ahaan Beladxaawo waxaana jira warar sheegaya in la qabqabtay dhawr horjooge oo aan wali baxsan kuna suganaa Gedo, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay u qorshaysnayd in ay baxsadaan.
Dhanka kale waxaa saacad saacad isu soo taraya wararka ku saabsan qasaaraha soo gaaray horjoogayaasha Shabaab ee ka dagaalamaya magaalada Muqdsho iyadoo la aaminsan yahay in uu dagaalkaani yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee kooxdu ay la kulanto mudooyinkaan.
Horjoogayaal badan ayay inoo suurta gashay in aanu helno magacyadooda kuwaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadaka dhaawacmay ee Shabaab ka tirsan waxaa ka mid ah Fitaax Maxamud Sabriye oo ahaa nin ku mashquulsanaa dagaallada kaas oo uu soo gaaray dhaawac xoog leh isla markaana wax dhintay iyo wax dhaawacmay ay noqdeen koox maleeshiyo ah oo isaga uu lahaa kuwaaxs oo intooda badan ka hawl galayay degmada Huriwaa ee gobalka Banaadir.
Ragga kale ee ku nafwaayay dagaallada waxaa ka mid ah C/risaaq Aadan Shuuriye oo ka tirsanaa Shabaabka Banaadir dhawaanahaana ka qayb galayay dagaallada Galguduud balse ku nafwaayay dagaalo sadex maalin ka
Al-Shabab figures in Gedo have left their roles
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Re: Al-Shabab figures in Gedo have left their roles
Good riddance! 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 654 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 1 Replies
- 504 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 8 Replies
- 796 Views
-
Last post by Methylamine
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by Coeus
-
- 289 Replies
- 17668 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 1 Replies
- 571 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 31 Replies
- 1702 Views
-
Last post by Nubis
-
- 20 Replies
- 2998 Views
-
Last post by Shift
-
- 4 Replies
- 444 Views
-
Last post by ciyaal_warta