Page 1 of 1

Abu Mansuur renames Farmaajo's tuulo

Posted: Wed Mar 02, 2011 1:56 am
by GacanSareeye
Garbahaareey(Allpuntland)-Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in Dowladda KMG iyo Amisom ay ku fashilmeen dulaankii ay ku soo qaadeen Al Shabaab sida uu hadalka dhigay.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku jabeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom islamarkaana masuliyiinta dowladda KMG midba midka kale uu ku eedeeynayo dulaanka la qaaday .

"Masuuliyiinta Murtidiinta is qabqabsi ayey bilaabeen oo waxa uu midba midka kale ku eedeeynayaa adiga ayaa dagaalka qaaday iyo adiga ayaa xabada bilaabay markii dagaalada ay ku jibaan"ayuu yiri Abuu Mansuur.

Sidoo kale Abuu Mansuur ayaa sheegay in dowladda KMG sidoo kale dulaanka ay ka biloowday qaar ka mid ah gobolada dalka sida Hiiraan, Bakool iyo Gedo, waxa uuna sheegay in jab xoog leh dowladda ay gaarsiyeeen, sidoo kale waxa u tilmaamay in meydadkooda lagu jiid jiiday ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom wadooyinka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Abuu Mansuur oo hadalkeeni jeediyey xili shalay uu ku sugnaa degaanka lagu magacaabo Gal-Barwaaqo oo ka tirsan Degmada Garbahaareey oo ah halka uu ku dhashay kana soo jeedo Ra'iisul Wasaraaha Soomaaliya Farmaajo ayaa sheegay in ay ka baxeen gurmadkii ugu badnaa ee ka qeyb gala dagaalada Bele-Xaawo, waxa uuna carabka ku dhuftay in ay magacii ka badaleen oo ay u bixiyeen Tuulada Jihaadka. :lol: :lol: :lol: :lol:

Hadlkaan ka soo baxay Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo lagu sheego in uu yahay hogaamiyaha Labaad ee Al Shabaab ayaa beeninaya war uuu sii daayey Radio ku hadla Afka Dowladda oo sheegay in Abuu Mansuur dhaawac halis ah uu ka gaaray dagaalii ka dhacay Beled-Xaawo.

Re: Abu Mansuur renames Farmaajo's tuulo

Posted: Wed Mar 02, 2011 2:06 pm
by LooxJiid
FYI: Abu Mansur is from Alto Guiba. But Abu Mansoor (Mukhtaar Roobow Cali) has no business in renaming villages. He must have a lot more on his plate like dodging drones. :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: