BUUHOODLE: Deegaanka Kalshaale oo degan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

BUUHOODLE: Deegaanka Kalshaale oo degan

Post by FBISOMALIA »

Buuhoodle; (pp)- Deegaanka Kalshaale oo ay maalinkii shalay ay ku dagaalameen Labada garab ee hubaysan ee Somaliland iyo Ciidamada Dib u xoreynta deegaanada SSC ee Puntland , ayaa maanta la sheegayaa inay aad u degan tahay.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid ku koobnaa Labada ciidan Sahankooda kaddibna xoogaystay ayaa weli la helin khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay , waxaana la sheegayaa inuu dagaalkaas iskiis markii danbe isaga qaboobay.

Waxaa weli maanka lagu hayaa inay dagaalo kale ay ka dhici karaan deegaanka Kalshaale, maadaama weli ciidamo xoogan oo ka socda maamulka Siilaanyo ay ku sugan yihiin deegaanka Kalshaale, halka dadku deegaanku ay arrinkaas ka biyo diidan yihiin ayna doonayaan in Maleeshiyaadka Siilaanyo uu ka soo saaro ciidamadiida deegaanada SSC.

Akhri: Dagaal ka qarxay deegaanla Kalshaale

Maamulka Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu markaan doonayo inuu waan waan wax ku dhameeyo, maadaama lagu eedeeyey in dagaaladii dhacay Hagoogane iyo Kalshaale inay ay ka gaysteen maleeshiyaadkiisu gumaad shacab oo aad looga naxay.

Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu aaminsan yahay marka hore in la siidaayo maleeshiyaadka la kala haysto , xabad joojin labada dhinac la sameeyo iyo in siyaasad loo isticmaalo khilaafka siyaasadeed ee jira.

Lama saadaalin karo sida guulo looga keeni karo aragtida Siilaanyo , maadaama uu aaminsan yahay inay dadkiisu ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale, halka shacabka SSC ay 99% ay ku xoogan yihiin inay yihiin dad ka soo jeeda deegaanka Puntland aysana marnaba raali ka noqonayn inay taageeraan soomaali kala goynteeda.

Daabacaadda: Puntlandpost.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”