
Puntland State of Somalia
WAR-SAXAFADEED

Rome, Mar 04 - Wafti ka socda Dowladda Puntland ee Soomaaliya oo soo gaaray Magaalada Rome ee caasimadda dalka Italy maalintii Isniinta 28 Febraayo 2011 ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Dowladda iyo Baarlamaanka Italy iyo weliba madaxda gobollo ka tirsan dalkaasi.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) waxaa ka mid ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Maamul-Wanaaga Md. Maxamad Farax Gaashaan iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.
Wafdiga Puntland ayaa kulamo kula yeeshay gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Italy mas’uuliyiinta Wasaaraddaasi oo uu hogaaminayo Md. Sandro De Bernardin oo ah Agaasimaha-Guud ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amaanka iyo Marwo Rosanna Coniglio oo ah Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan Arrimaha Afrika.
Arrimaha kulankaasi lagu falanqeeyey waxaa ka mid ahaa: horumarka Puntland; burburinta kooxaha nabadiidka ah ee Al Shabaab iyo soo-celinta amniga gobollada dhexe iyo koonfur ee Somaaliya; arrimaha la xiriira dhammaadka xilliga Dowladda Federaalka KMG ah (TFG); iskashiga dhinaca la dagaalanka burcad-badeeda; iyo socodsiinta doorka Dowladda Italy ee arrimaha Somalia.

Wafdiga Madaxweyne Farole waxay sidoo kale la kulmeen Md. Gianni Vernetti oo ah Guddoomiyaha guddi-hosaadka Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada (Baarlamaanka) ee dalka Italy.
Wafdiga ayaa Md. Vernetti u oo bandhigay “Puntland Roadmap” oo ah dukumenti shan bog ah oo ka turjumaya aragtida Dowladda Puntland ee la xiriirta dhammaadka xilliga TFG. Md. Vernetti ayaa Wafdiga u balanqaaday inuu si cad-cad uga qayb qaadan doono la xiriirka Puntland ee dhanka arrimaha horumarinta.
Maalintii Khamiista ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxay kulamo isdaba joog ah la yeesheen Madaxda iyo Wakiilada gobollada italy kala ah: Sicily, Lombardia iyo Piemonte. Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wada shaqaynta iyo sidii loo abuuri lahaa wax-wadaag iyo wada-shaqeyn mug leh.
Waa markii ugu horaysay ay casumaad rasmi ah ay Dowladda Puntland ku timid dalka Italy.
