Wefti Ka Socda Sland Gov Oo Yimi - Ceerigaabo-Somaliland
Posted: Tue Mar 08, 2011 9:21 am
Weftigii Ugu Balaadhnaa Tan iyo Intii Xukuumada Cusub Oo soo Gaadhay Ceerigaabo.
Ceerigaabo(Sanaag.Org) Waxaa magaalada Ceerigaabo soo gaadhay weftigii ugu Balaadhnaa tan iyo intii Xukuumada cusubi jirtay Weftigan oo uu Hogaaminayey Wasiir Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaarada
Duulista iyo Hawada, Maxamud Xaashi Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Agaasimaha Waaxda Dib udeginta Axmed Rooraaye, Kuxigeenka Agaasimaha Madbacada Qaranka iyo la taliyaha Madaxweynaha Gobolada Bari Sahal Shire.
Waxa weftida si Mugle kaga hortagey Duleedka Ceergaabo Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmoba, Boqoro,Salaadiin,Cuqaal iyo Dadweyne kale oo aad u tira badan oo wata Gaadiid Fara badan.
Waxa si heer qarana loogu soo Dhaweeyey Aqalka Martida Halkaaso siweyn marti qaaday waxana si wada jira ugu soo Dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Cali Cabdi Hure Iyo Mayarka Magaalada Ceerigaabo Ismail Xaaji Nuur.
Wasiir Gaashaandhiga Cadami ayaa halkaa Kalmado Mahadnaqa uga jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhaweeyey
wuxuuna xusay soo dhawayntan Balaadhan in isaga iyo weftigiisu ka filanayeen reer Ceergaabo.