Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Wasiiro katirsan xukuumada Puntland Xildhibaano katirsan Barlamaanada Somaliya iyo Puntland Mamulka Gobolka Mudug Saraakiil ciidan ayaa saaka booqday koonfurta magaalada Galkacyo.

Wafdiga waxaa horkacayay wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali indhaguran waxaana kamidahaa Wasiirada haweenka Marwo Caasha Gelle Diriye Wasiir ku xigeenka beeraha xildhibaan Cabdala Jinoole oo kamida mudanayaasha Barlamaanka Somaliya xildhibaato katirsan Puntland taliya xigeenka bilayska Puntland Godomiyaha Gobolka Mudug Col.Axmad Cali Salaad taliyaha ciidanka daraawiishta Q.Mudug iyo siyaasiyiin ayaa la kulmay masuuliyiinta mamulka koonfurta Galkacyo.

Wafdiga ayaa saacado kooban ku sugnaa koonfurta Galkacyo waxaana ay kulan gaaban laqaateen hogaamiyaha mamulka koonfurta Galkacyo Maxamed Axmad Calin iyo Cabdi Xasan Cawale Qaydiid waxaana ay kawadahadleen meelmarinta is afgaradkii Garowe oo ku salaysnaa nabad kuwawada noolaanshaha Gobolka mudug.

Hogaamiyayaasha mamulka koonfurta Galkacyo ayaa uga mahadceliyay wasiirada xukuumada Puntland booqashada ay ugu yimaadeen waxaana ay kabalanqaadeen in ay fulindoonaan guud ahaan qodobada is afgaradkii Garowe ka dhacay.

Kulanka oo hadalo kooban laga soo jeediyay ayaa nuxurkiisa waxaa lagu sheegay in mamulka koonfurta Galkacyo iyo madaxda Gobolka Mudug iswaydaarsadeen Magacyada Gudiyo labada dhinac ah kuwaa oo kashaqayndoona amaanka Gobolka Mudug iyo nabad kuwada noolaashaha.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Post by FBISOMALIA »

Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo kulan nabadda lagu xoojinayay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo

Talaado, 08 Maarso, 2011 (HOL) – Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan ay kaga hadleen xoojinta ammaanka degmada Gaalkacyo ku yeeshay Hotel Embassy ee Koonfurta magaaladaas, kaasoo ay ka qaybgaleen madax u badan wasiirro labada maamul ka socday.



Xubnaha kulanka ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug Maxamed AxmedCaalin, isagoo beeniyay inuu kasoo horjeestay heshiiskii ay Puntland iyo Galmudug horay ugu gaareen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.



“Anigu ma qaadicin shirkii ay Puntland iyo Galmudug ku gaareen Garoowe, waxaana aaminsanahay wax walba oo wanaaag lagu gaarayo,” ayuu yiri madaxweyne Caalin oo intaas ku daray in shirkooda maanta ay kasoo baxeen qodobbo ay ka mid yihiin in la iska kaashado xoojinta ammaanka degmada Gaalkacyo.



Mudane C/weli Indho-guran oo ka mid ah wasiirrada Puntland ka socday oo ka hadlya kulanka ayaa isaguna sheegay in shirka ay kasoo baxeen qodobbo ay labada maamul ku xoojinayaan ammaanka degmada Gaalkacyo oo dhawaanahan ahaa mid aan wanaagsanayn.



“Waxaan isku raacsannahay in nabaddu ay tahay furaha magaalada, in Gaalkacyo ay tahay halka uu ka billaabatay dhibaatada Soomaaliya, haddana ay noqon karto goobta ay laga billaabi karo nabadda Soomaailya,” ayuu yiri C/weli Indho-guran.



Shirkan ayaa gabogabo u ahaa shirar ay maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay kulmiso degmada Gaalkacyo kaga hadlayeen sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka degmada kulmisa, iyadoo qodobkii ugu muhiimsanaa uu ahaa in la iska kaashado xoojinta ammaanka degmada.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Post by FBISOMALIA »

Puntland iyo Galmudug oo kawada hadlay amaanka Gaalkacyo

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Kulan looga hadlayay iskaashiga amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Puntlnad iyo Galmudug waxaa ay ku yeesheen Koofurta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.



Kadib kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug islamarkaana ay yeesheen Mas’uuliyiin ka kala tirsan Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulankaasi waxaa looga hadlay sidii Maamuladaasi ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca amniga, iyadoo kulanka maanta goob jog uu ahaa Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Max’ed Axmed Caalim iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada.



Waxaa dhinaca Maamulka Puntland goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan Maamul goboleedka Puntland, iyadoo ugu dambeyn Mas’uuliyiinta ay isku afgarteen in la bilaabo dar dargalinta dhinaca amniga oo ay iska kaa shanayaan Maamulada Galmudug iyo Puntland.



Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Max’ed Axmed Caalim oo hadal ka jeediyay kulanka maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka magaalada, isagoo beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Soomaaliya kaasi oo ku aadanaa in uu kasoo horjeestay hishiiskii dhowaan Maamulada Galmudug iyo Puntlnad ay ku galeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul goboleedka Putnalnd.



Dhinaca kale Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee Maamulka Puntland C/wali ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda amaan ee Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay Mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntlnad inay iska kaashadaan sugidda amaanka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.



Kulankani maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo islamarakana ay yeesheen madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili todobaadyadii ugu dambeysay magaalada Gaalkacyo ay ka socdeen kulamo is daba joog ah oo ay qaadanayeen Madaxda ugu sareeysa labada Maamul kaasi oo looga hadlayay hishiiskii lagu gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Post by quark »

Working together is the way forward :som: :up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Masuuliyiin katirsan Xukuumada Puntland Booqday galmudug

Post by FBISOMALIA »

quark wrote:Working together is the way forward :som: :up:
we should help them to fight piracy and alshabab as the agreement said even if we busy with siiland on other side :ugeek:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”