Weftiga Wasiirada Somaliland visit Dhismaha Jaamacada Sanaag

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Weftiga Wasiirada Somaliland visit Dhismaha Jaamacada Sanaag

Post by Siciid85 »

Weftiga Wasiirada Somaliland ee ku sugan Ceerigaabo oo booqday dhismaha jaamacada Sanaag

Image

Wufuuda wasiirada Somaliland ee safarka shaqo ku jooga magaalada Ceergaabo ayaa weli ku guda jira u kuurgelida guud ahaanba xaaladaha guud ee gobolka ee dhinacyada maamulka hayadaha dawliga ah iyo horumarka gobolkaba, weftiga oo ku sugan gobolka mudo sadex maalmood ah ayaa intii ay joogeena waxay shirar kala duwan iyo kulamo gaargaar ahba la yeesheen dhamaanba masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Weftiga ayaa saaka booqday xarunta jaamacada gobolka Sanaag oo ay ka socoto hawsha dhismaha iyo dugsiga sare ee Xaaji Aadan ee magaalada ceerigaabo.

Gudoomiyaha gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo weftiga ku weheliyey kormeerkooda jaamacada ayaa ugu horeynba warbixin ka siiyey weftiga halka ay marayso jaamacadu iyo sida ay ku bilaabeen oo uu ku tilmaamay iskaashi dhexmaray bulshada gobolka oo qurbajoogta reer sanaag ay kow ka yihiin iyo maamulka gobolka iyo degmadaba.
Waxaa kaloo gudoomiyuhu ku dheeraaday sida ay uga go, an tahay dhamaystirka dhismaha jaamacada, wuxuuna ka codsaday xukuumada in ay kaalin mug leh ka qaadato hirgelinta jaamacada gobolka.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ismaaciil Jaamac Jibriil, Shiikh Axmed Shire iyo Engineer Cali Cumar (cali qatow) oo dhamaantoodba weftiga uga xog-waramay sida ay u socoto hawsha jaamacada iyagoo dhanka kalena ka codsaday weftiga in xukuumada cusubi ay wax kala qabato taabo gelinta jaamacada. Keyse Siciid Axmed oo ka mida qurba joogta gobolka Sanaag ee UK oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa isna dhiniciisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay sida ay u socoto hawsha dhismaha jaamacada, wuxuuna ku dhiirigeliyey bulshada reer sanaag meel kasta oo ay joogaan in ay isutaagaan ka qayb qaadashada qaadhaanka wax loogu ururinayo jaamacada Wasiirka duulista iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna balanqaaday in xukuumadu aanay waxba ka hagran doonin hirgelinta jaamacada sanaag, wuxuuna ku amaanay cid kasta oo wax ka geysatey dadaalka lagu amaamudayo jaamacada gobolka sanaag. Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Warsame Siciid Cabdi ayaa isna xusay in sanadkan miisanayada dalka lagu daray saami loogu talagay jaamacadaha dalka, wuxuuna ku booriyey bulshada reer sanaag in ay dadaalkooda sii laban laabaan. Waxa kale oo weftigu ay kormeerkooda ku soo mareen dugsiga sare ee xaaji aadan, halkaas oo ay warbixina kaga dhegaysteen maamulaha dugsiga Maxamed Jaamac Burle.

Ugu danbayntiina waxa weftigu kormeerkooda ku soo gebagebeeyeen, ayna ka qayb-galeen xuska munaasibada sideeda Marso ee maalinta haween weynaha aduunka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo. Isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada gobolka sanaag Faadumo Xaaji Xasan oo furitaankii xafladaa ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsatay duruufaha iyo xaaladaha haweenka ee gobolka sanaag ee dhinacyada tacadiyada loo geysto haweenka, ka qaybgalka siyaasada iyo fursadaha shaqo
Waxayna tilmaantay in loo baahan yahay in xukuumad iyo shacaba la dhawro xuquuqda haweenka leeyahay, waxa kaloo halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka, wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiir ku xigeenka maaliyada oo iyana dhinacooda tilmaamay siyaasada xukuumada eek u wajahan dhawrista xuquuqda guud ahaan aadamaha iyo haweenkaba.


Image


Image


http://www.sanaag.org/details.asp?id=2186&dt=news
User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Re: Weftiga Wasiirada Somaliland visit Dhismaha Jaamacada Sa

Post by Madelina »

Do we need all these Universities? I don't know how sustainable these Universities meelkasta laga dhisayo aay noqon karan when the one's already exist are in financial hardship! ...When you have too many mediocre Universities they lose their essence,mala waxa ka ficanan lahayd if we called them Colleges or some kind of higher technology centers..
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Weftiga Wasiirada Somaliland visit Dhismaha Jaamacada Sa

Post by Siciid85 »

Maybe Maroodijeex region since they have alot of universities. However in Sanaag this is one of it's first kind. Student's in Sanaag will no longer go to other parts of Sland such as Hargeysa, Burco etc to attend University but rather around the corner in Erigavo. :sland: Equal opportunities for all the people of Somaliland regardless of what region they are in.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”