Laandheer

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Laandheer

Post by ibrahimcw »

Caabudwaaq:(R.CW) Maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna ee bartamaha Somaaliya ayaa ku
guuleystay aasida xabaal bilaash in mudaa ay ka taagneyd xiisad u
dhaxeysa dadka deegaanka iyo reer guuraa barkado ka qoday Tuulada
Laandheer ee Duleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamo fara badan oo ka kala socdey degaanada hoos yimaada maamulka
culimaa'udiinka Ahlusuna oo ay wehliyaan masuuliyiin sare oo ka mid ah
maamulada deegaanada Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb iyo xubno ka tirsan
golayaasha Maamulka Ahlusuna ee bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha maamulka degmada Dhuusamareeb Sh. C/rxmaan Geedo Qorow
ayaa furay hadalka iyo go'aanka Ahlusuna ay ka gaartey Xabaal
bilaashtaasi dulmiga lagu dhisay waxaana uu shegay in fadhi ay wada
qaaten laamaha kala duwan ee maamulka Culimaa'udiinka 15/08/2010 ay
soo saareen wareegto mamnuucaysa in baraag laga qodo deegaanada
udhaxeeya Caabudwaaq, Cadaado, iyo Balanbale isagoo intaa daba dhigay
in lagu fuliyay amarkaasi dhowr meelood oo kamid ah deeganada ay ka
midka yihiin inta udhaxeysa Xeraale iyo Aricaday, Beerta Bire iyo
Huurshe.

Geedo qorow ayaa intaa ku darey inaysan u imaan deeganka Laandher inay
ku wada hadalsiiyaan beelo amay u dacwo qaadaan balse qorshaha
imaantinka uu yahey mid ay ku fulinayan balan ay maalmo ka hor u soo
jeediyaan dadka ku muransan xabaal bilaashta iyo kuwa dulmiga ku qoday
ayna fulinayaan go'aankoodii ay horey ugaaraan golayasaha Ahlusuna
ee mamnuucaya qodaal laga sameeyo deegaanka.

waxaana arintaasi taageeray dadka Deegaanka laadheer ee diidanaa
qodaalka laga sameeyey deegaanka waxaana arintaaai ka soo horjeestey
odayaal ka socdaydeegaanka Cadaado oo sheegay inaanay qaadanayn oo aanay
ogolayn go'aanka Ahlusuna ayna yihiin dad hoostaga maamulka Cadaaado
ee Ximan iyo Xeeb go'aankana uu yahey mid Ahlusuna ay gaartey aanay
qaadanayn oo uusan u cuntamin hadalka ay soo jeediyeen xubnaha
Ahlusuna.

waxaana markii looga caal waayey inay ku xabaalaan gacmihii ay ku
qodeen loo fasaxey ciidamada Ahlusuna iyo dadka deegaanka Laandheer
kuwaa oo ku guuleystay inay duugaan xabaal bilaashta lagu doonayay in
lagu abuuro dulmi dadkana la isaga horkeeno.

ugu dambeyn waxaa loo sheegay in lagu reebo goobta ciidamo ilaaliya
deegaanka kuwaa oo la dagaaalami doona in deegaanka lagu sameyo wax
dhibaataa iyo in la jaro dhirta.

C/kariin Axmed Bulxan
User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: Laandheer

Post by ruralboy »

:up: :up: :up: Good job.
User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: Laandheer

Post by ruralboy »

Where did you get this from?
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: Laandheer

Post by ibrahimcw »

User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: Laandheer

Post by ruralboy »

Wow! Thank you Ibrahim. You are from Bangeelle, I gather. Are you not?
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: Laandheer

Post by ibrahimcw »

walaaley maya, hasa ahaate maka fogi berke reeraheen waxee u badanyihiin tuulo ka agdow, laakin daris waxaa ilana ah walaalaheen Reer Siyaad Xuseen oo degan Bangeelo iyo daafaheed.
User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: Laandheer

Post by LooxJiid »

Calankani waa calankee? Somaliland calankeeda miyaa?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”