Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

Dagaal culus oo ka saakay ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
15,Ra/Awal1432, 20,March,2011.

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada melliteriga wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Maleeshiyaad uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa saakay ka dhacay duleedka degmada Dhoobley.


Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira warar is khilaafsan oo kasoo baxaya khasaarihii ka dhashay dagaalka saakay.


Ilo wareedyo ay heleyso Idaacadda Alfurqaan waxay sheegayaan in dagaalkii saakay ay qaadeen Ciidamada melliteriga wilaayada Jubbooyinka kadib markii ay ka warheleen dhaq dhaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.


Wixii wararka dagaalladaasi kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa Inshaa’allah


Radioalfurqaan.com
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

Dagaalki lagu kala bax..ciidanki madoobe iyo gandhi dhagtaa dhiiga loo daray.

War deg deg ah: Dagaalkii Dhoobley oo lagu kala baxay iyo Meydadka Maleeshiyaadkii soo duulay oo wadooyinka daadsan (Filo Sawiradii dagaalka). .
Sunday, 20 March 2011 07:21 Maamulka Memo Hits: 8 . .

Waxaa goordhaw soo gaba gaboobey dagaalkii cuslaa ee saaka ka qarxay magaalada Dhoobleey ee wilaayada Jubbada Hoose halkaasi oo ay isku heleen Xaqqa iyo baadilka.




Weriyaha Wakaaladda SomaliMeMo Cabdi Raxmaan Yare oo Dhoobley ku sugan ayaa goordhaw soo sheegay inta badan dagaalku uu soo dhamaaday islamarkaana Maleeshiyaadka Hororka ah laga saaray dacalka Dhoobley kaga beegan Dajabula oo markii dagaalku socday ay saaka kasoo jabsadeen.




Bakhti aad u farabadan ayaa daadsan hareeraha magaalada oo ay ka carareen Maleeshiyaadka ay wateen Axmed Madoobe iyo Col.Cabaas oo labaduba hogaaminayay dagaalka.



Weli waxaa daafaha magaalada laga maqlayaa rasaas balse madaafiicda BM-ka ayaa ah dhibaatada ugu daran ee shacabka dhoobleey heysata.


Wararka qaar ayaa sheegaya in Bakhtiyada laga cararay ay kamid yihiin ciidan Kenyaati ah taasi oo haddii ay xaqiiq noqoto Xujjo ku noqon doonto Kenyaatiga.




Cabdi Raxmaan Yare oo Dhoobley ku sugan ayaa weydiinay su'aal ahayd Dagaalkii Dhoobley waa soo gaba gaboobay mala dhihi karaa? wuxuuna ku jawaabay "Maya laakin aagagii ugu cuslaa dagaalka waa lagu kala baxay balse dhanka Xad beenaadka xiga ayaa leysku hayaa".







Wakaaladda SomaliMeMo waxay Akhristayaasheeda u sugeysaa guusha waxaadana naga sugtaan Sawirada dagaalkii.

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

"Tuulada Diif waxaa soo gaaray 30 Gaari oo tikniko ah iyo ciidan gaaraya ilaa iyo 500 oo askari oo uu hogaaminayo Duladeyn. Dhanka Dhoobley iyana waxaa la keenay Ciidama aan tiradooda wali helin oo uu hogaaminayo C/qani Kaba Jecel."
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

Kn: Wararkii ugu dambeeyey ee Dhoobleey ka imanaya waxa ay sheegayaan in dagaal culus oo illaa haatan socdo uu sababay in labbo jeer ay is badasho gacan ku heynta magaalada

Dagaalka waxa uu bilwodey 3.30 PM xalay, markii uu waaga baryayna waxaa magaalada gacan ku heynteeda la wareegey ciidamada dowlada, iyadoo dibada loo saaray ciidamadii Alshabaab



Balse dhabar jabin ayay soo sameeyeen ciidamada Shabaabka qeyb ka tirsan oo uu Dulyadeyn hogaaminayay kuwaasoo ka yimid dhanka Diif ayna u badantahay in ay yihiin kuwii baneeyey deegaanka Diif



Alshabaab ayaa gacanta ku haya inta badan Dhoobleey, walina waa uu socdaa dagaalka



Ma heyno wax qasaaro ah



KismaayoNews.com


User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by hanqadh »

Absame vs Absame

:|

Dulyadeyn/Kabta & Gaandi/Madoobe
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

Wixi aan bilo ka hor ka digay soo ma aragtid?..Maxaan fa'idnay hadaa.
Last edited by Shift on Sun Mar 20, 2011 1:56 pm, edited 1 time in total.
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by hanqadh »

Meesha laakiin waa lagu jabay mar haday Dulyadeyn iyo Kabojecel kumanaan ciidan hor boodayan kuwana kumanaan ciidan wataan, ma filaynin labadan nin inay sidaa isu soo abaabulayaan robow maanta hadii laga awood ronaado ciidankiisa wuxuu balan qaaday inuu ku wareejin odeyaasha.Absame waxa daacadnimo ay ka heelaan baana garan meeshan la is cunayo.
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Shift »

Nimankan weey isku duuban yihiin iyago eegin qabiil/ gobol iyo midab bey isu dhintaan,sawabta loo jabin la'yahay na waa taa.
Last edited by Shift on Sun Mar 20, 2011 1:56 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Hyperactive »

it seems like somalis learn in early age that another life means nothing. if you don't get what you want, kill!!!

jahliga wa moshkila.
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Faranacab »

DKMG: Cosobsaan islahaaye Ceebmiyaa iga Raacday!
  • Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidamada DKMG ay ku qaadaan gobollada Jubbooyinka oo ahaa kii ay saaka mar kula wareegeen gacan ku haynda magaalada Dhoobleey ayaa noqday mid ayna wax natiijo ah ka korodhsan.


    Sababta ugu weyn, waxaa lagu sheegay kala ahdaaf iyo ujeedooyin duwanaanta ciidamada dhexdooda iyo waliba hogaankooda sare. Maadaama DKMG ay ku salaysantahay nidaam qabiil, waxaan meesha ka madhnayn jilaafooyinka iyo caqabada dhinaca qabiilka ee curyaamiyay horusocod kasta ooy samayn lahayd DKMG.

    Ciidamada waxaa lagu soo ururiyay hab beeleed, waxayna ku hawl galayaan magac dawladeed, askari kasta iyo sargaal kastana waxaa jira qorshe iyo damac ka sareeya kan DKMG oo ayada laftirkeedu ku dhisan nadaamka faashilka ah. Hadaba, wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in markii ay magaaladu u gacan gashay ciidamada DKMG uu markiiba banaanka u soo baxay khilaaf dhaliyay in si ka sahlan sidii ay ku qabsadeen magaalada looga qabsado.

    Dhanka ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ah kuwa hal fikir iyo hal hogaan leh, taasi oo u sahlaysa inay mar kasta waajahaan quwad kasta oo usoo mudh baxda inay awood ku muquuniso.

    Ciidamada Kaambooniyiinta ayaan dagaalka maanta ka qayb galin, taasoo ayana abuuraysa su’aal ku saabsan xidhiidhka dhabta ah ee ka dhexeeya ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiinta ee Sh. Axmed Madoobe hogaaminayo oo ayagu mudooyin badan uu dagaal kululi dhexmaray Xarakada Alshabaab.

    Dagaalkii maanta wuxuu ahaa tijaabadii ugu horaysay ee dhex marta Xarakada Alshabaab iyo ciidamada DKMG, ayadoo noqotay tijaabo dhiiri galisa ciidamada Alshabaab, jabisana mooraalka ciidamada DKMG, fashilna qarka u saarta damaca DKMG.

    Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay dagaalka; ayadoo dhinacyada dagaalamay ay kala gaareen inta la ogyahay 35 dhaawac ah iyo 17 dhimasho ah isku darka labada dhinac, halka dhinaca shacabka magaaladana la sheegayo dhimashada dhawr ruxuux iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale ku basbeelay dhawr guri ooy ku habsadeen madaafiicdii ay is waydaarsanayeen labada garab.

    Isku soo duubo, dagaalkii maanta wuxuu ahaa mid ay ku hungowday DKMG, wuxuuna noqday mid ay ka faa,iidaan xinjiro dhiig leh iyo waxay korodhsadaan halkeeda ha joogtee inay ayagii galeen maynis (-). Shacabka deegaanka wuxuu u ahaa maalin balaayo, maalin qax iyo maalin khasaare naf iyo maal. Alshabaabna wuxuu u ahaa maalin guul, maalin ay ka faydanto kurbada ay ku haysay cududda ciidamada lagu tababaray Kenya.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by ina aadan »

Ugaas iyo ugaas yarow maxaad tagertaan horta xaga somaliya,,,,, iyada xageena waa laydin garan e, lakin dhankan somaliya markay noqoto waan idinku wareeray e.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Hyperactive »

ina aadan wrote:Ugaas iyo ugaas yarow maxaad tagertaan horta xaga somaliya,,,,, iyada xageena waa laydin garan e, lakin dhankan somaliya markay noqoto waan idinku wareeray e.
the somaslia side, koley aniku as arabtu ko mahmahdo wahan iri: laa naaqata lee wala jamal.

means: geel naag ah walla mid nin ah ikama higo danka somalia(shaqo kuma lihi). somalia wa fitna so'ata, dad badan na wey ko aakhiro beleen.

there was story about this maahmah: dadba dirirayay , geel isku dilayey, mid ba soo agmaray, who weydeeyey, mid meseesha taagna "war ninyaho maad kala qabatid , amma kan haqa leh o heelisid, mahaasdo daawani?"

markaasu yiri: waayo, anigu naaqa(geelka ninka ah) igama taal, iyo jamal ba (ninka geelka ah).
Last edited by Hyperactive on Mon Mar 21, 2011 2:25 pm, edited 1 time in total.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by ina aadan »

^^ :lol: :lol: Sheekh suldaan

Daakhato iyo jigjiga baa i hurran miyaad na leedahay.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by Hyperactive »

ina aadan wrote:^^ :lol: :lol: Sheekh suldaan

Daakhato iyo jigjiga baa i hurran miyaad na leedahay.
yes may brother. taa ba e huran. ninba wah ba o daran, aniga, ina illey iyo dabaqoodiga ban adow ee ah.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Dagaal culus oo ka dhacay Dhobleey

Post by ina aadan »

hyperactive wrote:
ina aadan wrote:^^ :lol: :lol: Sheekh suldaan

Daakhato iyo jigjiga baa i hurran miyaad na leedahay.
yes may brother. taa ba e huran. ninba wah ba o daran, aniga, ina illey iyo dabaqoodiga ban adow ee ah.
Waryee ina ilay waa nin waalan, meel uu dad badan ku xasuuqay oo la yidhaahdo galaalshe baa intuu dagmo ka dhigay wuxuu u bixiyay gol jano.

Inader suaashi aan ku waydiiyay malitii hor ee aan ku idhi ogadeniya xageed ka tagtay wali maadan iiga jawaabin, marka xagee bad ka tagtay ogadeniya.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”