Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna oo Caabudwaaq lagu doortay Manta.+ Sawiro
C/Waaq-(GMN) Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigay masuuliyiinta loo doortay hogaaminta maamulka Ahlusuna ayaa maanta ka dhacday Hoteel Shrdoon ee degmada Cabudwaaq waxaana goob joog u’ahaa xubno kamid ahaa 3.dii gole
ee maamulkii Ahlusuna ee lagu doortay Degmada Caabudwaaq dabayaaqadii 2008.dii
..
Waxaa ay sheegeen inay u doorteen hogaaminta maamulka Ahlusuna Sh.ibraahim Sh. Xasan Guureeye si doo kale waxaa loo doortay gudoomiyaha gudiga Golaha Fulinta Sh. Xuseen Maxamed Cosoble iyo Gudoomiya ku
xigeenka koowaad ah madaxa amniga iraad Xaashi Cali gudoomiya ku xigeenka labaad ahna madaxa dhaqaalaha Sh. Axmed Maxamed Shire Gudomiya ku xigeenka sadexaad ahna madaxa arimaha bulshada Sh. C/qaadir ibraahim Cismaan ( Gedo) taliya guud ee ciidamada iyo Abniga Sh. Cali Xasan (Cali Dheere) iyo 9 xubnood oo kamid ah golaha.
http://gedoonline.com/?p=19026


