Musharaxa Madaxbannaan ee Jabuuti oo Siilaanyo iyo Geele ku Eedeeyay inay ka Dilayaan Labada Shacbi PDF Print E-mail
Written by Qaran news
Apr 07, 2011 at 01:28 PM
Musharaxa Madaxbannaan ee Dalka Jabuuti
Waraysi Khaas ah
Hargeysa(Yool)-Musharaxa Madaxabannaan ee jagada Madaxweynenimada kula loolamaya Madaxweyne Geele dalka Jabuuti Md. Maxamed Warsame Raage, ayaa mar kale daboolka ka qaaday in uu Somaliland u aqoonsan doono dal madaxbanaan haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyadda jabuuti oo dalka ka dhici doonta bari oo Jimce ah, sidoo kale-na waxa uu Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu colaad isu geliyo labada ummadood ee walaalaha ah.
Md. Maxamed Warsame oo ah musharaxa kaliya ee Madaxweyne Geele kula beretemaya kursiga looga arimiyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa mar Wargeyska "Yool" uu xalay khadka Telefonka kula xidhiidhay, isagoo jooga Magaaladda Jabuuti, waxa uu sheegay in uu ku talo jiro in uu Somaliland yimaado haddii uu doorashada ku guulaysto, isla markaana uu Hargeysa u soo diri doono Safiir sida dawladaha madaxbanaanida haysta oo kale.
Haddaba waraysiga uu Warageyska "Yool" la yeeshay Md. Maxamed Warsame Raage oo ah mid dhinacyo badan taabanaya, isagoo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan:
Mudane Maxamed Warsame waxa kula hadlaya Wargeyska "Yool" oo ah Wargeys madaxbanaan oo ka soo baxa Hargeysa Somaliland ma noo ogolaan kartaa inaad waraysi kula yeelano?
Maxamed Warsame: HAA.. Waan ogolahay Inaad Waraysi ila yeelataan.
Su’aal: Maxamed waxaad la tartamaysaa Ismaaciil Cumar Geelle intii ololaha ku wada jirteen, waxaad dhowr jeer ka dhawaajisay inay jiraan waxyaabo badan oo Xukuumadda talada haysaa is daba marisay, markaa rajo intee leeg ayaad ka qabtaa inaad doorashada ku guulaysato?
Jawaab: Dadka dhawaaqooda iyo sida magaaladu tahay ayaanu arkaynaa markaa anagu talo waxaanu siin lahayn haddii waxyari iska dhimaan sidii Rayaale ee quruxda badnayd inuu isaga nasto
Su’aal: Maxamed Warsame intii ololahu socday waraysiyo aad bixisay waxaad qaarkood ku sheegtay in Somaliland diyaarado laga soo guray dad aan reer jabuuti ahayn oo inta dhalashooyin been abuura la siiyey la doonayo inay u codeeyaan Madaxweyne Geelle, arimaasi ma jiraan maxaad’se ku cadaynaysaa?
Jawaab: Waxa weeye reer Somalilad-now jaar-baanu nahay oo walaalaynu nahay xumanta maalmahan ka danbaysay aqoosigii Somaliland ee aan sheegay, waxaan leeyahay Smaliland guba uma baahna ee xoriyad ayey u baahan tahay ee waxaa hala joojiyo. Labada talis inay isku keen diraan bay doonayaan oo reer Jabuuti ayaa xumaan loo gelinayaa dadka halkaa jooga [Somaliland], gaar ahaan dadka ku nool hargeysa iyo hareeraheeda.
Waayo marka Ismaaciil Cumar Geelle uu Gabilay Jaamacad ka dhiso, iyadoo dadka reer Jabuutina ay daranyeysan yihiin oo waliba Somaliland cadaysay inuu halkaa jaamacad ka dhiso dee dadkii hinaasaa gelaya oo cadhaa gelaysa. Wiilkan [Geele] iyo Wiilka [Siilaanyo] halkaa joogaba marka horeba shaqada way isla bilaabeen oo 1985-kii markhaati ayaan ka ahaa markaa hayna daayaan
Su’aal: Maxamed mar haddii aad ku doodaysid in Xukuumadda Somaliland wado olole kaa dhan ah maxaad odhan lahayd Madaxweyne Siilaanyo?
Jawaab: Annigu habeen welba TV-ga Somaliland ayaan daawadaa oo mar kasta waxa ka socda Ismaaciil Cumar Geelle, markaa doorashada ma Jabuuti ayuu kaga jiraa mise Hargeysuu ka gelayaa. Waxaan leeyahay Siilaanyow 8-da bishan hadaan guulaysto Safiir ayaan kuu soo dirayaa ee isla xishood
Shacbiga reer Somaliland waxaan odhan lahaa walaalo ayaynu nahay oo intaa halkaa gashaa halkana way gashaa oo wax ina kala weecin karaa ma jiraan quudhsigii laydin ku hayey-na ilaahaybaa idinka saaray ee hays luminina oo dariiqan baas haraacina.
Su’aal: Md. Maxamed Warsame haddii aad guulaysto maku talo jirtaa inaad Somaliland timaado?
Jawaab: Arabsiyo ayaa aniga iiga horaysa Hargeysa oo waa halkii laygu xaaleeyey, Ceel-geniiseed iyo dhulkaa ayaan ku socdaa markaa haddii aan guulaysto maalinta labaad Arabsiyo ayaan tagayaa oo ilaahay hawxariistee Xaaji Cumar Liibaan baan reerkiisa soo salaamayaa.
Yool
Musharaxa Jabouti Md. Maxamed Warsame Raage
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Musharaxa Jabouti Md. Maxamed Warsame Raage
niinkaa wallahi uunaa kaftaan ku jiriin!!
maar ayuu yaar washay oo gurii laguu hayn jiray
looooooooooooooooooooooooooool
ismail omar ruwayaad ayuu djibouti kaa dhigay
maar ayuu yaar washay oo gurii laguu hayn jiray
looooooooooooooooooooooooooool
ismail omar ruwayaad ayuu djibouti kaa dhigay
- Blue_609
- SomaliNetizen
- Posts: 758
- Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
- Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
Re: Musharaxa Jabouti Md. Maxamed Warsame Raage
is this dude Ciise ?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 783 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 1 Replies
- 481 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 5 Replies
- 6460 Views
-
Last post by Twist
-
- 5 Replies
- 34038 Views
-
Last post by Kabriid
-
- 0 Replies
- 1129 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 577 Views
-
Last post by afisoone
-
- 3 Replies
- 384 Views
-
Last post by Hotguyy
-
- 9 Replies
- 901 Views
-
Last post by fagash_killer