qardho school students gathering money for Charity

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

qardho school students gathering money for Charity

Post by FBISOMALIA »

Image
Qardho- ururka israac oo ah urur si taburucaad magaalada Qardho ka shaqeeya ayaa asbuucyadii ugu dameeyeey wuxuu halkaas ka fuliyey arrimo iskugu jira wadooyin dayactir iyo furid lagu sameeyeey, dhirayn cusub oo magaalada lagu beerey iyo weliba cunto qaybin loo fidiyeey dadka abaaruhu samaayeen iyo dadka masaakiinta ah oo magaalada ku nool.
Image
Gargaar dadka masaakiinta loo fideyey wuxuu ahaa lacag dhan US $ 8000 iyo 50 kiis oo raashin ah. Lacagtaas Misaajidyada Qardho ka uruuriyey qaar ka mid ah Culimada Diinta Qardhood oo hormuud u ahaa Sh. C/shakuur Adan. Raashinkana waxaa laga soo uruuriyey xaafadaha iyo Iskuulada magaalada ku yaal qarkood, iyadoona dadku qofba tabartiis ugu deeqayey dadka masaakiinta ah wuxuu awoodo kiilo ilaa kiis, 1000 Sh. Somali ah ilaa 1000 dollar.
Image
Ururka Israac ayaa rashinka uruurintiisa iyo qaybintiisa door wayn ka qaatay.Waa isku day wanaagsan oo lugu talaabsaday oo dadka ku dhiiri gelinaysa in ay wax qabsankaraan, iyago cid shisheeye waxba ka sugayn
Image
Dhirayn cusub oo magaalda Qardho laga sameeyey, gar ahaan laamiga dhanka waqooyi, wadada aada Bossaso ayaa shaqadeedu soo socotey muddo bilooyin ah, maalintii jumcaha ahayn ee ku beegnayd 8da April ayaa 22 Geed lagu muday halkaas, iyadoona lafilayo asbuucyada soo socda in ilaa 18 Geed oo kale isla meesha ay ay ururku ku beeraan. Dhirtan cusub ayaa kharash ku baxay waxaa bixiyey Cali Jaamac Diiriye, iyadoona Israac Qardho ay fuliyeen. horey ayaa magaalada Qardho lagu beeray 40 Geed oo ay iska kaashadeen Israac UK iyo Israac Qardho dhirtaaso hada mareesa meel fiican.
Image
Ururka Israac ayaa Qardho ka wada arin kale oo ka baxsan dhiraynta iyo macaawinada loo fidinayo dadka tabarta daran, waana funid iyo dayactir lagu sameenayo wadooyinka magaalada ku yaa qaar ka mid ah, waxayna ururku wax ka qabteen ilaa 8 wadoo qaarna dayactir ku sameeyeen ka dib markii ay dhigeen dhagax iyo ciid meelaha ay wadooyinkaasu ka jab jabnaayeen oo xilliga roobaadku biyihu ku hakanjireen, waxay kale fureen wadooyin magaalada ku yaalay oo xirnaa oo qaarna dad xirteen qaarna ay xireen waxyaalaha ka hara marka guryaha la dhiso sida ciida iyo dhagxanta, wadooyinkaaso hada maridoodu dadka iyo gadiidka waa u sahlanyihiin, balse waxaa weli jira wadooyin kale oo xiran oo raba in wax laga qabto.
Image
Ugu damayntii, waxay ku celceliyeen marar badan ragga isxilqaamay ee Israac in lagala qayb qaato shaqada ay wadaaan dal iyo dibadba si ay miro dhal u noqoto howlsha socota, islamarkaana muruq iyo maalba loogu deeqo, cadii daneenaysa in ay ka qayb qaadato ama ka mid noqoto arrintan socota way soo dhoweenayaa ururka Israac, falldan wax ugu deeq arrintan socota, Alle wax khayr ha’ugubedeleeh, waxaad ku diri kartaa Dahabshiil ama Amal adigo ku soo qoraya Ururka taburucaada Israac Qardho, tell. 0025290736336 ama 0025290736467, hadii aad rabto faafaahin in dheer oo aad joogto East Africa laxiriir C/rashiid Maxamed Jaamac, UK Cabaas Siciid Awmuse Ama Cali Jaamac Diire, Sweden Xaamid Maxamud Faarax[shirwac], North America Cabdi Caydiid ama Sharmaake C/risaaq [Walac walac].
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: qardho school students gathering money for Charity

Post by quark »

qardho 8-)
Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: qardho school students gathering money for Charity

Post by Pwani »

great job rer Qardo and kudos to the org :up:
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: qardho school students gathering money for Charity

Post by KyrieJama »

manshallah reer qardho good job :up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”