Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxmaed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay khadka taleefoonka uga qaybgalay kulan ay soo agaasimeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Manchester ee dalka Britain laguna taageerayay DKMG ah ayaa ka dalbaday jaaliyadaha Soomaalida ee caalamka ku nool inay xukuumadda gacan ka siiyaan sidii ay u soo celin lahayd dowladnimadii Soomaaliya.
Mudane Farmaajo wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ee xilligan jirta ay waxyaabo badan qabatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin: inay ka hortagtay musuqmaasuqa isla markaana ay sugtay ammaanka goobaha ay dalka kaga sugan tahay.
"Waxaan xooggan saarnay sidii aan uga hortegi lahayn musuqmaasuqa, waayo waa caqabadda keliya ee hortaagan sidii dowladnimo lagu gaari lahaa," ayuu Farmaajo ku sheegay khudbaddii uu u jeediya jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Manchester.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda KMG ah ay u baahan tahay in gacan laga siiyo sidii ay howlaheeda u sii wadan lahayd ayna dalka ugu soo celin lahayd ammaanka guud, isagoo si gaar ah u sheegay in jaaliyadaha ay ka doonayaan inay gacan ka geystaan soo celinta Qarannimadii Soomaaliya.
"Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka dibaddiisa waxaan ka doonaynaa inay lacago u ururiyaan DKMG ah si ay howlaheeda ugu wadato, waayo dhaqaalaha aan ka helno gudaha ma ahan mid ku filan inaan wax kaga qabanno howlaha dhiman," ayuu yiri ra'iisul wasaare Farmaajo.
"Qurba-joogtu waxay udub dhexaad u yihiin dowladda Soomaaliya, sidaa darteen hadii qof kasta uu bixiyo 10-doollar waxaa kasoo baxaya dhaqaale badan oo wax laga dhigi karo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda," ayuu ku daray hadalkiisa. "Haddii 100,000-qof ay min 10-dollar isku daraan waa hal milyan oo doollar, waana lacag badan oo wax qaban karta."
Xafladda lagu qabtay Manchester ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir-u-dowlaha wasaaradda caafimaadka DKMG ah iyo guddoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kuwaasoo warbixin ka siiyay waxqabadka dowladda xubnihii kasoo qaybgalay xafladdaas.
Collecting money before leaving in August. Its a legal way of robbing people's money. How genius!
Smart move
