Newest regional Somali state (Galgaduud state) declared
Maamul goboleed La Magac Baxay Galgaduud State Ayaa Lagaga dhawaaqay Dubai
17/04/11-Dubai-(Bnn) Magaaada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa loogu dhawaaqay Maamul goboleed Soomaaliyeed oo la magac baxay Galgaduud State, ka gadaal markii ay kulamo yeesheen Jaaliyadaha Soomaalida ee kasoo jeeda gobalka Galgaduud ee dalka Soomaaliya.
Kulamadaan oo ahaa kuwa isdaba joog ah oo bilihii ugu dambeeyay Jaaliyada beelaha dega gobalka Galgaduud ku falanqeynayeen sidii ay u sameysan lahaayeen Maamul Goboleed haga ammaanka gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayay ku guuleysteen inay ku dhawaaqaan Maamulka Galgaduud State.
Shirkaan oo ahaa mid muddo loo fadhiyay ayaa waxaa marti galinayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UAE, waxaana la sheegay in arintaan ay kaalin wayn ku lahayd Jaaliyada Soomaalida ee Dubai gaar ahaan Gabdhaha oo iyagu abaabul dheeraad ah ugu jiray ka gungaarida ujeedada shirka la iskugu yimid.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in dhamaanba xubnaha maamulkaan u ololeynayay ay ka soo jeedaan Gobolada dhexe ee dalka soomaaliya kuwaasi oo dhawaanahaanba ku hawlanaa samaynta maamulkaasi.
Dhamaadkii shirka ay isugu yimaadeen qurba joogta ayaa waxaa lagu dhawaaqay Madaxweynaha Maamul goboleedkaan Galgaduud State Mudane C/rashiid Maxamed Dirir “Xaaji Dirir”.
Madaxweynaha maamulkaan waxa uu sheegay in sababta loo aas aasay maamulka Galgaduud State ay tahay in dhibaatada looga saaro shacabka gobolka Galgaduud lagana shaqeeyo Hormarkooda sida uu hadalka u dhigay.
Hawsha samayta maamulkan ayaa waxa ay soo socotay ku dhawaad hal sano waxaana qiyaas laga bixin karin sida uu uga hawlgalayo Gobolka Galgaduud oo ay kala goosteen maamulo Siyaasadahoodu kala duwan yihiin inkastoo mas’uuliyiinta maamulkaan cusub ay sheegeen in ay gobolka ka shaqeynayaan."
Maamul goboleed La Magac Baxay Galgaduud State Ayaa Lagaga d
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Maamul goboleed La Magac Baxay Galgaduud State Ayaa Lagaga d
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 667 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 14 Replies
- 1236 Views
-
Last post by Murax
-
- 8 Replies
- 983 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 26 Replies
- 2918 Views
-
Last post by RovingMadness
-
- 7 Replies
- 547 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 2 Replies
- 66 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 329 Views
-
Last post by gambit
-
- 16 Replies
- 1883 Views
-
Last post by Babygirl-