Breaking news ciidanka Jubaland oo la wareegay Busar

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news ciidanka Jubaland oo la wareegay Busar

Post by CoolPoisons »

Dagaalo xoog leh oo saacado qaatay ayaa waxay ka dhaceen qeybo kamid ah degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo uu u dhaxeeyay ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Dagaaladaan oo kuwo aad u culus ahaa waxay maanta ka qarxeen deegaanka Buusaar ee duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isla-markaana labada dhinac ayaa waxay isu adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar ka tirsan gawaarida dagaalka oo ay labada dhinac ku dagaalamayeen.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladani ay ku dhinteen in ka badan shan askari, oo iskugu jira Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowladda Soomaaliya, isla-markaana dhaawacyada soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay ayaa waxaa lagu sheegay tiro ka badan sagaal askari.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan deegaanka Buusaar ee duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in ciidamadda dowladda Somaliya ay la-wareegeen guud ahaan deegaanka Buusaar ee duleedka degmada Ceelwaaq, oo ay horey ugu sugneed Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo warbaahinta la-hadlay ayaa qeexay in ciidamadda dowladda Somaliya ay la-wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay sii baacsanayaan jihooyinkii ay u carareen buu yiri Xoogaga Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in gabalkii Xarakada Al Shabaab uu dhacay, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”