Page 1 of 1

Al Shabaab oo Weerar Khasaara badan dhaliyay ku qaaday ciida

Posted: Thu Apr 28, 2011 6:34 pm
by grandpakhalif
Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo galabta duleedka degmada Luuq ku dhex maray ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ah ee dhaq dhaqaaqyada dagaal ka wada inta badan degmooyinka Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weeraro gaadmo ah ku qaadeen ciidan kasoo baxay Luuq oo doonayay in ay Howlgal ka sameeyaan duleedka degmada, balse waxaa qabsaday dagaal saacado qaatay oo khasaara badan dhaliyay.

Dad reer Baadiye ah oo ku sugnaa aagagii lagu dagaalamay ayaa sheegay in dagaalku uu aad u xooganaa ayna arkeen Meydadka dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamay oo goobta looga cararay. Ciidamada Shabaab ee weerarka gaadmada ah qaaday ayaa la sheegay in ay kasoo dhaqaaqeen tuulada Yurkud oo u dhexeysa Ceelbarde iyo Luuq.

Diyaad Cabdi Kaliil oo u hadlay saraakiisha dowladda KMG ah ayaa xaqiijiyay in ciidankooda weerar culus lagu qaaday, wuxuuse diiday in uu sheego khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii galabta. Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in ciidanka dowladda oo dhaawacyo iyo meydad sita ay gaareen Luuq qaarkoodna ay u gudbeen Doolow.

Ma jirin wax gaadiid dagaal ah oo ay ciidamada Shabaab ka qabsadeen kuwa dowladda Al Shabaab oo lagala wareegay inta badan Gobolka Gedo ayaa qaadaya weeraro gaadmo ah dhawaan ayay weerar midkan ka khasaara badnaa ku qaadeen deegaanka Carra Case waxayna ku dileen saraakiil caan ahaa.

——
Allgedo News Desk, Luuq/Somalia.