W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by FBISOMALIA »

Wasiirka Qorsheynta iyo arimaha Caalamiga ah ee Puntland oo la kulmey dhigiisa wadamada Uk iyo Holland

Image
puntland minster & holland arimaha dibada Holland Ben Knapen

Image
Wasiir Hashi iyo Wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan Ingiriiska Bellingham

Puntlandi.com:- Wasiiru-Dawlaha Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Abdulkadir Abdi Hashi ayaa martiqaadyo rasmi ah oo uu ka helay dalalka Holland iyo Boqortooyada Midowdey ee Britain iyo Waqooyiga Ireland ka dib wuxuu booqasho afar casho qaadatay ku tagey magaalooyinka Hague iyo London.

Prof. Hashi ayaa intii uu joogey labada dal oo si weyn oo heer sare ah loogu soo dhaweeyey wuxuu wadahadalo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladahaas.

Dalka Holland wuxuu Wasiirku shirar kala duwan la yeeshay madax kala duwan oo ka kala socdey wasaarado kala dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Arrimaha Dibedda, Gudaha iyo Gaashaandhigga kuwaasoo ay kawada hadleen danaha Puntland iyo dalalkaas iyo sidii iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya loo sii ballaarin lahaa.

Waxaa Wasiirku bisha May, 10keedii, 2011ka kula kulmay magaalada Hague ee Caasimadda Hooland Wasiirka Arrimaha Yurub iyo Iskaashiga Caalamiga ah u qaabilsan dalkaasi Md. Ben Knapen oo si diiran u soo dhaweeyey Wasiiru-dawlaha Puntland. Waxaa Prof. Hashi uu si qotodheer uga waramay Wasiirka horumarka baxadda leh ee dawladda Puntland ka gaartey dhinaca adkaynta amniga iyo la dagaalanka burcad badeeda oo Maamulka uu hoggaamiyo Dr. cabdiraxmaan Maxamad Faroole uu Wasiiru-Dawluhu sheegay inuu si weyn uga dabargooyey gayaanka Puntland.

Wasiir Hashi wuxuu maalintii bisha May ahayd 12ka ee 2011ka kula kulmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska Wasiirka dalkaasi u qaabilsan Arrimaha Qaaradda Africa Md. Henry Bellingham oo uu dhex maray kulan dheer oo si weyn la isugu afgartay. Wasiiru-Dawlaha Puntland ayaa labada Wasiir si gooni gooni ah ugala hadlay sida loogu baahan yahay in Puntland laga kaalmeeyo baahinta iyo adkaynta dadaalada ay dawladdu horay uga samaysay dhinacyada fidinta dimoqraadiyada, tayanta iyo baahinta waxbarashada, Caafimaadka, daryeelka xoolaha, ilaalinta deegaanka, gaarsiinta biyaha macaan daafaha Puntland oo dhan iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada hawl la’aanta baahsani hadda ku hayso dalka. Wuxuu Wasiirku sidoo kale kala hadlay labada mas’uul inay ka kaalmeeyaan Puntland la dagaalanka Burcad-badeeda iyo sugidda Amniga. Dhanka Soomaaliya waxaa Wasiiru-Dawlaha Puntland ka codsaday labada dawladood inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa xilliga kala guurka dhammaadka bisha August, 2001 sidii horay loogu ballamay ayna tageeraan dadaalka uu arrintaas ka wado Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga.

Wuxuu Hashi si gaar ah uga mahad celiyey dawladda Ingiriiska go’aanka ay ku gaartey inay di u furto safaaradii ay ku lahaan jirtey Soomaaliya.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by quark »

:up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by FBISOMALIA »

puntland :up:
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by Xamud. »

Am confused is this dude a minister or does he work for wasaarad Qorsheynta? eitherway :up: to the Asian looking Leelkase dude.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by damu »

xamud

homeboy is a minister and a very good one too :up: :up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: W.Qorsheynta iyo arimaha Caalamig Puntland in europe

Post by FBISOMALIA »

Xamud. wrote:Am confused is this dude a minister or does he work for wasaarad Qorsheynta? eitherway :up: to the Asian looking Leelkase dude.
as damu said he is minster 8-) :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”