puntland catch siiland fans in badan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland catch siiland fans in badan

Post by FBISOMALIA »

Badhan, May 19 - Is-rasaasayn aan cid wax ku noqon ayaa saaka ka dhacay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kaddib markii ay isku-dhaceen ciidamada maamulka gobolka Sanaag ee Puntland iyo kooxo u damaashaadayey xuska 18-ka May ee gooni-isu-taaga maamulka Somaliland.

Is-rasaaayntaan oo muddo cabbaar ah socotay ayaa bilaabatay kaddib markii ciidamada maamulka Puntland ee gobolka Sanaag ay isku-dayeen in ay kala eryaan dad damacsanaa in ay u dabaal-degaan sannad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii uu curtay hamiga gooni-isku-tagga ee Somalilind sannadkii 1991.

Iska-horimaadka oo ka bilawday xaafad ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada Bardhan ayaa markii danbe soo xoogaystay, waxaana magaalada laga saaray kooxdii wataday damaca dabaal-degga ee Soomaaliland iyadoo laga joojiyey qorshahoodii damaashhaad sida uu Daljir u sheegay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Siciid Nuur 'Dabayl'

Md. Dabayl waxaa uu sidoo kale sheegay qorshahaani in uu ahaa mid in muddo ah maamulka Somaliland uu waday laguna damacsanaa xaflado dabaal-deg in laga sameeyo Badhan, hase-ahaatee maamulkiisu ay arrintaasi dadaal-dheer u galeen kana hor-tageen.

Md. Dabayl ayaa maamulka Somaliland uu ku eedeeyey in ay hurinayaan arrimahaan, gacanna siiyaan Sh. Maxamed Siciid Atam iyo kooxda uu maamulo si aan marna xaalad-deganaansho iyo mid nabadeed loo helin.

Dhinac kale, waxa saaka iyana ka dhacay magaalada Badhan mudaaharaad looga soo horjeedo Somaliland iyo fara-galin la sheegay in ay ka waddo gobollada Puntland ee xiga dhinaca Waqooyi kuwaasi oo ay soo abaabuleed dadwaynaha magaalada Badhan.

Cabdifataax C Geeddi,
Radio Daljir.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: puntland catch siiland fans in badan

Post by FBISOMALIA »

Baran:(Allpuntland)-Waxaa Maanta ay ciidamada Puntland ee kusugan caasimada gobolka Sanaag Bari ee Puntland ay kala eryeen banaanbaxayaal taageersan maamulka Somaliland kana qeybgalayey sanadguuradii 20-aad ee xuska maalintii ay Somaliland isugu yeeray jamhuuriyad cusub oo ka go'day Somaliland, Waxaana wararku ay sheegayaan in ciidanka Amaanku ay kala eryeen kooxdan oo aan aad u badnayn.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) ayaa APL u sheegey in uusan banaanbaxaasi ahayn mid sidaas u weyn, Waxaana uu sheegey in caadoqaatayaal taabacsan maamulka Hargeysa ay isku dayeen inay kharashaad ku qaataan in banaanbax laga dhigay magaalada Baran, Wuxuuna Gudoomiyuhu intaas ku daray intaasi ay suurtoobi waysay islamarkaasna ay ciidanka Amaanku fashiliyeen.

Mr.Dabayl wuxuu intaas ku daray in ay Somaliland mudooyinkii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd iskudayo ay ku raadinayso in gobolka Sanaag ee Puntland ay dhamaantiis ka samayso khakhalyo dhanka Amaanka ah iyagoo adeegsanaya Fidnawadayaal gobolkaas kasoo jeeda, Wuxuuna sheegey in taas ay shacabku ka dhiidhiyeen islamarkaasna ay islamaanta magaalada Baran ka dheceen Mudahaaradyo badan oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: puntland catch siiland fans in badan

Post by Cirwaaq »

Those bullets fired by Pland on civilians should have been used on the pirates, the assassins of sheiks and the drug, alcohol runners.
Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: puntland catch siiland fans in badan

Post by Pwani »

Cirwaaq wrote:Those bullets fired by Pland on civilians should have been used on the pirates, the assassins of sheiks and the drug, alcohol runners.
Go lick somalidiids ass your ideas are not welcome here..talking about pirates yeah those bullets should be used on Galmudug pirate haven,places like hobyo and ceelduur now :lost:
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: puntland catch siiland fans in badan

Post by udun »

Pwani wrote:
Cirwaaq wrote:Those bullets fired by Pland on civilians should have been used on the pirates, the assassins of sheiks and the drug, alcohol runners.
Go lick somalidiids ass your ideas are not welcome here..talking about pirates yeah those bullets should be used on Galmudug pirate haven,places like hobyo and ceelduur now :lost:

:lol: :lol: :up:

Cirwaaq's endless attention seeking is beyond limits.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: puntland catch siiland fans in badan

Post by FBISOMALIA »

udun wrote:
Pwani wrote:
Cirwaaq wrote:Those bullets fired by Pland on civilians should have been used on the pirates, the assassins of sheiks and the drug, alcohol runners.
Go lick somalidiids ass your ideas are not welcome here..talking about pirates yeah those bullets should be used on Galmudug pirate haven,places like hobyo and ceelduur now :lost:

:lol: :lol: :up:

Cirwaaq's endless attention seeking is beyond limits.
really this guy is hyper :?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”